Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ciyaar Xiiso Leh Ayaa Somaliya Ka Bilaabatay Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Dooneysa In C.Cabdirashiid Noqdo Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya Iyo Xasan Shiikh Oo Yiri: Waa Hadal Mafrash Aan Micno Lahayn

Thursday - November 3, 2016



Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa dedaal ugu jirta sidii uu Cumar Cabdirashiid oo ah raysalwasaaraha Somaliya u noqon lahaa madaxweynaha Somaliya ee bedelaya Xasan Sheekh.

Dawladda Imaaraadka ayaa casuumad rasmi ah u fidisay madaxda maamul goboleedyada Somaliya ee Puntland Mr. Gaas, Galmudug Cabdikariin Guuleed, Jubaland Axmed Madoobe iyo koonfur Galbeed Mr. Shariif Xasan, halka aan kulanka lagu casuumin Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Somaliya ee wakhtigan. Laakiin Cumar Cabdirashiid ayaa isna la sheegay inu ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadku ay madaxdan ka dalbatay inay codka xildhibaanada baarlamaanka u galaya ee codaynaya ay mideeyaan, islamarkaana siiyaan codkooda Cumar Cabdirashiid oo ah raysalwasaaraha wakhtigan.

Arrintan waxa aad uga shaqeeyay Danjiraha Imaaraadka u jooga Somalia, Ambassador Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo galangal xooggan ugu jira sidii ay dowladisa saamayn ugu dhex yeelan lahayd Siyaasadda Somaliya, Doorashadda soo socoto  iyo inay Isbahaysi ka dhex samaystaan Dowladda Somaliya iyo Maamul-gobaleedyadda.

Xeeldheerayaasha siyaasada ayaa rumeysan inay Dawladda Imaaraadka Carabta Loolan kula jirto Dowladda Turkiga oo ka mid ah Dowladaha Taageeradda ugu badan siiya Dowladda Somaliya, gaar ahaan dhinacyadda Maaliyadda, Siyaasadda, Ammaanka, Tababarka Ciiddamadda iyo Adeegyadda kale ee Horumarinta Bulshadda.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u aragta inay ka mid noqoto Dowladaha saamaynta ugu ballaaran ku dhex leh Siyaasadda Somaliua, gaar ahaan Xilligan Kala-guurka Siyaasadda.

Idaacadaha Muqdisho ayaa baahisay inay Dawladda Imaaraadka ka walaacsan tahay inay Siyaasiyiinta Somalida ah ee aaminsan fikirka Ikhwaanul-muslimiinka kuraas badan ka helaan Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda ee Somaliay iyo inay Hoggaan Sare ka qabtaan Talada Somaliya.

Dowladda Imaaraadka waxay ka baqanaysaa inay Siyaasiyiinta Ikhwaanul-muslimiinka ku xoogeystaan Siyaasadda Somaliya iyo inay Doorashadda kula wareegaan Talada dalka Somalyia oo ay Siyaasiyiinta Al-sheekh iyo Damu Jadiid majaraha u soo hayeen 10-kii sanno ee ugu dambeeyey.

Dawladda Imaaraadka waxay horey kharaj badan ugu bixisay sidii loo kala dhantaali lahaa Ikhwaanul-muslimiinka Masar ee awooday inay Talada dalkaasi kula wareegaan Kacdoon Shacbi oo la maalgeliyey.

Tallaabadii uu Jeneral C/fataax Al-sisi xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi kuma imanin si fudud, balse waxa uu ku yimid Walaaca ay Dowladaha Gobalka iyo kuwa Reer Galbeedka ka muujiyeen inay Hoggaanka Ikhwaanul-muslimiinka la wareegaan Talada dalkaasi.