Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dameer Iyo Daankiis Wax Weyn Isma Dooriyaan Hillary Oo Daadku Qaaday Iyo Trump Oo Noqday Madaxa Cusub Ee USA Iyo Isagoo Yiri Waan Fulin-doono Ballan-Qaadyadi Ka Mid Ahaa Inaan Gawraco Sacuudiga

Wednesday - November 9, 2016



Washinton- Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka ayaa loo doortay shanta sano ee nagu soo aadan Donald Trump oo si weyn loolan ula galay haweeneyda horey u soo noqtay Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka mareykanka Hillary Cliton.

Tartan adag oo dariiqyada loo taagnaa ayaa dhamaaday goor dhaweyd, isagoo ku guuleystay cod aqlabiyad leh, waxaana Trump lagu yaqaanay waqtigiisii tartanka hadalo ad adag oo ku wajahan siyaasada Caalamka.

Lama yaqaano waxa uu iska bedeli doono, balse goor dhaweyd oo uu hadlay wuxuu si dhab ah u sheegay in uu fulin doono balan-qaadyadiisii doorashada.

Guusha Trump ayaa loo arkaa mid taariikhi ah waxa ayna ka fajicisay dad badan oo filayay in Hillary Clinton ay ka guuleysan doonto maadaama uu ku cusub yahay siyaasadda isla markaana lagu bartay hadallo qallafsan oo ka careysiiyay dad badan oo Mareykan ah.

Trump ayaa ku guuleystay codbixinta gobollada muhiimka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa.

Waxa uu sidoo kale codad badan ka helay gobollada kale ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.

Taageerayaasha Trump ayaa dabbaaldegyo ka dhigayay qaybo badan oo ka tirsan dalka Mareykanka halka xarunta ololaha doorashada ee Clinton ay murugo ka muuqatay.

Xisbiga jamhuuriga ayaa sidoo kale ku guuleystay inta badan kuraasta aqalka wakiilada iyo kan sare ee senetka.