Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Taariikhdi Taxane Ee Madaxweynaha Ruushka Vladmir Butin By Cali Cabdi Comey

Thursday - November 10, 2016



Magaciisa oo buuxaa waa Vladimir Vladmirovich Putin.Wuxuu dhasahy 7 bishii tobnaad ee sannadkii 1952-kii. Waxaanu ku dhashay magaalada la yirraa SAINT PETESBURG. Hooyadii waxa la oran jiray Maria Ivanorna. Hooyadii waxay ahayd shaqaale warshadeed, dhaqaalaha qoyskooda oo yaraa awgii, Awoowgii aabo wuxuu dabaakh (cook) u ahaa hogaamihii soofiyadka Joseph Stalin, ka dib wuxuu ka codsaday inuu inankiisa loogu daro ciidamada badda ee Ruushka, sidaasina ayuu ku galay ciidanka. Wuxuu la dhashay laba wiil oo ka weynaa, balse waxay dhinteen markay dhasheen, waxa haleelay xanuunka gowracatada (diphtheria) badhtamihii sannadkii 1930-kii.

 Sannadkii 1960-kii ayuu bilaabay waxbarashadii dugsiga hoose. Dugsigani wuxuu u dhawaa meel aan ka fogayn gurigooda. Wakhtigaasi wuxuu jeclaa ciyaaraha, waxan dhici jirtay inuu dhexda ku sii ciyaaro intaanu gaarin dugsiga, taaso habsan ku keeni jirtay oo macalimiintu kaga caban jireen.

Sannadkii 1964-kii wuxuu bilaabay dugsigii dhex, isla-dugsigii hore ayuu ka galay. Wuxuu fasalkoodii ka noqday horjooge (alifle) taaso markii dambana keentay inuu xubin ka noqdo guddiga dugsiga.

Sannadkii 1968-kii ayuu bilaabay waxbarashadii dugsiga sare. Wuxuu mar kale noqday guddoomiyaha dugsiga . waxa u suurtagaliyey hab-dhaqankiisa oo mid degan oo dulqaad wata. Dhaqankaasi ayaa soo jiitay maamulkii iyo macalimiintii dugsiga.

Sannadkii 1972-kii ayuu bilaabay jaamacada , waxaanu bartay sharciga caalamiga ah. Jaamacadiisa waxa la oran jiray ? Leningrad state university?. Waxay ahayd jaamacad ay dawladu maamusho. Wuxuu sii watay waxbarashadiisi waxaanu gaarsiiyey shahaada phD. Wuxuu shahaadada PHD-da ku diyaariyey qorshaha habboon ee xiriirka dhaqaalaha. Markuu jaamacadd ku jiray ayuu xubin ka noqday xisbigii hanti wadaaga ee midowgii soofiyadka. Wuxuu xubintaasi ahaa ilaa intii u kala jabayey midowgii soofiyadku sannadkii 1991-kii.

Sannadkii 1975-kii ayuu ku biiray hayadii sirdoonka ee midowga soofiyadka ee la odhan jiray (KGB). Waxaana loo diray tababar lagu siinayey dugsigii caanka ahaa ee lagu baran jiray sirdoonka iyo nabadsugida ee la oran jiray ? Okhta school?. Markuu soo dhammaystay dugsigii wuxuu noqday sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka soofiyada (KGB). Wuxuu derejada ka gaaray gaashaanle dhexe ( lieutenant colonel).
Sannadkii 1985-kii ilaa 1990-kii ayuu sirdoonka (KGB) u magaacabay wakiil u fadhiya jarmalka bari. Markii ay dhacay jamhuuriyadii jarmalka bari ayaa dib loogu yeeray Putin.

Sannadkii 1991-kii ayuu ku noqday jaamacadii Leningrad ee uu wax ku soo bartay. Waxaana loo magacaabay guddoomiyaha arrimaha caalamiga ee jaamacada. Mudadii uu jaamacada ku hawlgeli jiray wuxuu caawimo ka helay macalinkiisi hore ee jaamacada . taaso keentay inuu markii dambe ka noqdo duq magaalada Leningrad oo jaamacadu ku taalay. Ka dib wuuu iska casilay jagaasi.

Dabayaaqadii sannadkii 1991-kii waxa loo doortay inuu madax ka noqdo guddiga xiriirka dibada ee magaaladii uu ku dhashay ee Saint Petersburg. Wuxuu ka qabtay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhoofinta biraha oo lagu qiimeeyey $93 malyuun. Arrintaasi waxay u soo jiiday sumcad uu caan kaga noqday magaalada. Waxaanu xilkaasi hayey ilaa 1996-kii.

Sannadkii 1997-kii ayuu noqday duq-ku-xigeenka magaalada Saint Petersburg, waxaanu taageero weyn u hayey dawlada. Dabayaaqadii sannadkaasi ayuu madax u noqday ilaalinta hantida dawlada ee madaxtooyada Ruushka. Ka dib M/weynihii Ruushku ee wakhtigaasi oo La oran jiray Boris Yeltsin ayaa aaminay, waxaanu ka dhigay ku-xigeenka shaqaalaha madaxtooyada, waxaanu xilkaasi hayey ilaa 1998-kii. Wuxuu daacad u ahaa M/weyne Yeltsin, wuxuu kaga nastay shaqada culus ee madaxtooyada ka haystay.

Dabayaaqadii sannadkii 1998-kii ayuu M/weyne Yeltsin u magacaabay madaxa hayada FSB  oo ah hayada sirdoonka ee Ruushka oo bedeshay hayadii sirdoonka ee KGB. Ka dib wuxuu si buuxda uga mid noqday xubin joogto ah laanta nabadsugida ee Jamhuuriyada Ruushka.

Sannadkii 1999-kii ayaa loo magaacabay Raysal-wasaare ku xigeenka saddexaad ee Ruushka. M/weyne Boris Yeltsin ayaa ku dhawaaqay inuu Putin noqon doono ninka bedeli doono isagoo ku qeexay nin dulqaad iyo waxqabad badan oo dalka lagu aamini karo.  16/8/1999-kii ayey guriga baarlamaanka ee la yiraa Duma ayaa u doortay raysal-wasaare buuxa. Waxa Putin ku socday mucaaridnimo xoogan oo kaga timid maayirkii magaalada moosko iyo gudoomiyihii  hore ee dawlada Ruushka, oo iyagu doonayey inay bedelaan M/weyne Boris Yeltsin. Labadan siyaasi waxay dagaal siyaasadeed u galeen sidii ay u horjoogsan lahaayeen inuu Validimir Putin M/weyne noqdo. Putin wuxuu ku soo caan baxay markii uu dagaalka kagaga adkaaday jabhadii jeejinya.

Sannadkii 2000 ayuu ku guulaystay inuu noqdo M/weynaha dalka Ruushka. Wuxuu soo bandhigay inuu jamhuuriyada Ruushka ka dhigo 89 qaybood oo fadaraal ah iyo 7 degmo oo hoos yimaada. Dhammaantoodna waxa maamulaya jamhuuriyada Ruushka. Wuxuu xilkan hayey (2000 ilaa 2004).

Sannadkii 2004-kii ayaa mar labaad loo doortay M/weynaha dalka Ruushka. Isagoo helay 71% cododkii la dhiibtay. Wuxuu xilkan hayey (2004 ilaa 2008)

Sannadkii 2008-dii ayey mudadiisi dhamaatay, oo mar saddexaad isma soo sharaxi karo. Marka la eego distoorka u taalla dalkaasi. Ka dib wuxuu soo sharaxay saaxiibkii oo ahaa Dmitry Medvedev oo ay xulfo weyn ahaayeen. Waanu ku guulaystay M/weynihii ka dib wuxuu raysal-wasaare u magacaabay Putin.
Sannadkii 2012-kii ayuu mar saddexaad isu-sharaxay M/weyne, waxaanu ku guulaystay codod ah 63%. Markii lagu dhawaaqay guusha Putin waxa gilgilay Ruushka mudaharaadyo waaweyn guud ahaan dalkaasi, kaasoo lagaga soo horjeeday Putin.