Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Lagdamaaga Caanka Ah Ee Waddanka Gambia Oo Ku Dhintay Badda Mediterraneanka Isagoo U Tahribaya Yurub

Friday - November 11, 2016



Waxaa la sheegay in ninkii Lagdamaaga caanka ahaa ee dalka Gambia ee la oran jiray Ali Mbengu, loona yaqaanay "Mille Franc" (Kun Franc) ayaa ku dhintay Jimcihii la soo dhaafay markii Doon uu saarnaa ay ku degtey Badda Mediterraneanka isagoo isku dayaya inuu gaaro Italy.

Dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay wargeyska AFP tababarihiisa Pateh Nying ayaa imaaneysa iyada oo goolhayaha caanka ah ee kooxda xulka haweenka ee kubada cagta Gambia eey iyadana ku dhimatay duruufo tahriib la mid ah midaasi bishii October.

Sida la xusay Ninkaa lagdama ah, waxuu markii hore tagay dalka Liibiya, isaggoo Qorshihiisa uu ahaa inuu halkaa doon ugu gudbo Italy

Mid ka mid ah kuwa ka badbaaday doonidi quustay ayaa xaqiijiyay geerida ninkaas, islamarkaana cadeeyey in 10 qof kaliya ay ka badbaadeen markii doonida ku degtey badaha sare.