Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Maamulada Galmudug Iyo Puntland Oo Heshiis Hordhaca Ah Ka Gaaray Dagaaladi Magaalada Gaalkacyo

Saturday - November 12, 2016




Gaalkacayo-Magaalada Gaalkacayo waxa maanta ka dhacay wada hadalo dhex maray madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wada hadaladan dhex maray madaxweynayaasha labada maamul oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo oo ku yaala qaybta ay maamusho Puntland ayaa waxa goob joog ka ahaa ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke, wakiilka qaramada midoobay ee somaliya Micheal Keating,  saraakiisha ciidamada labada maamul iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka oo ka kala tirsanaa labada dhinac.

Masuuliyiinta ka qayb galay wada hadalka labada maamul ayaa madaxweynayaasha labada maamul cadaadis badan ku saaray inay heshiis ka gaadhaan colaada soo jiidantay ee ka dhacday magaalada Gaalkacayo.
Danjiraha QM Micheal Keating ayaa sheegay in colaada Gaalkacyo ay ku dhinteen in ka badan 40 ruux halka boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen, isaga oo intaa ku darray in dagaallada todobaadyadii ugu danbeeyay ka dhacay magaaladu ay sababeen in boqolaal kun oo shacab ahi ka qaxaan magaalada.

Qodobada ay labada maamul ku heshiiyeen ayaa kala ahaa.

1. In la kala qaado ciidammada isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka, si fursad loogu siiyo dadka rayid ah in ay dib ugu soo laabtaan magaalada

2. In la magacaabo guddi isku dhaf ah oo labada dhinac ka kooban kana shaqeeya hergalinta qodobada lagu hishiiyay,

 3. In 20 bishan leysugu tago magaalada Kismaayo si loo sii anbaqaado wadda hadallada labada dhinac,

4. In loogu baaqo shacabka ka barakacay dagaallada in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.