Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Naag La Furay Fadhi Uma Yaal Kii Fureyna Fadqalalow .. Araweelo Hillary Oo Sadex Dalqo Rajactu Lahayn Hoosta Loo Galiyey

Tuesday - November 15, 2016



Wargeyska la yiraa "ChristianTimes Newspaper" ayaa war-xog la soo dusiyey oo u ka soo xigtay maxkamada sare ee xaafada Westchester-new york ku sheegay in haweyneydi Hillary oo maalmahaan ku waalatay ereyga maxaa qaldamay "What went rong" sidi dhoocil ka liidata baroorti iyo cabaadkii ka dhamaatay, taa awgeed si xumad jabin ah ay ninkeedi Cilinton caro kula kuftay kuna tiri: Rag runi kama nixiso ee farsamadi fashal xumida adigaa igu wacan oo taa darteed fikirkeyga iyo taladu waxay tahay inaan gogosha ku kala tagno ( is furno) oo sidaa sharciga fiqiga shareecada masiixiga ku kala baxno, isla markaana wixii hanti naga dhaxeya saami qaybsi ku dhamaato.

Clinton oo isagana dhiniciis ka jawaabay ayaa yiri: taan jeclaayey Hillary, waan u jeeda oohinta iyo ilmada faraha badan ee buuxisay dhabanadaaa, oo wax si kaa yihiin, waxaanse ku sheegaya in inti muddo ah aan film jileynay oo waxa qoorta ku suran iyo buun-buuniska ha is oran sax baad tahay, sidaa awgeeed in la isu arxamo waa mid meesha ku jirta oo muran li' wixii aad gudoonsanto waan ku yeelin

Sida wargeysku tilmaamay, kiiskaas gudbintiisa waxaa maxkamada supreme court of the state of new York bishaan Novmber 10-keeedi u gudbiyey looyarkii Hillaray

Hillary Rodham Clinton Iyo William Jefferson Clinton waxay si gobonimo ah ku aqal galeen sanadkii 1975 oo ay illa mudadaas ahaayeen laacibiin siyaasiyiin culus oo ka qayb qaatay kala iibsiga dunida, iyagoo ku jiray waqti qaraami iyo ayaamo reyn-reyn, hodan barwaaqo iyo iyagoo goob walba lagu qaabilaayey mashxarado iyo muusikadi socodkii Araweelo, isla markaana illa waqtigaas maleegeysay hadey dagaal tahay iyo hindiso dabino lagu wanjalaayo dunida islaamka oo xasuuqooda u taqaanay xarago qaadasho .. wixii qoor-gooyo iyo qoorta soo dhigo iyo wixii halis la soo maray giddi cod bixinti  wey u hagarbaxday