Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Sheekadi Diinka Iyo Gorgorkii Kor U Qaaday Ee Samada Ula Duulay

Wednesday - November 16, 2016



Waxaa jiray waqti waqtiyada ka mida in u Diin noloshiisii dhul-yaalka iyo socod gaabiska ahayd u aad u karhay, wuxuna miskiinka iska jeclaystay in uu sida shimbraha u duul-duulo oo dhinac kasta cirka u heehaabo, wuxuu jacleystay inu guudka ka soo eego dhulka iyo dhirtan uu ku abaaday ee dhex gurguuranayo. Asaga oo naftiisa la hadlaya wuxu ku yiri: Hadaan mar uun samada ubixi-lahaa, sidaa shimbraha oo kale ayaan duuli-lahaa.

Diin wuxu naftiisa u sheekeeyaba oo uu naawilo in uu maruun duuloba, maalin ayaa geed uu hoos jiifay gorgor ku soo degay. Gorgorkii ayuu la hadalay oo ku yiri: Abboowe Gorgorow wax alle waxaan Maal aduun leeyahay ayaan ku siinayaa ee fadlan duulista markoole i bar. Gorgorkii ayaa ku yiri:Diinow taasi ma suuro-gelayso. Diinkii ayaa yiri:maxaa sabab inaan duuli-waayo. Gorgorkii baa yiri: Dee baalal-ba ma lihide, maxaad duushaa?

Diinki kuma qancin doodii gorogorka balse doonistiisii ayuu ku adkaystay oo ku cel-celiyay oo yiri: War Gorgorow bal horta intaadan ii diidi bal marka hore itijaabi oo kor samada iigu qaad, ka dibna isii daa anaa iskayga u duulaye. intaa adigu ma ii yeeli-karta

Gorgorkii oo baryadii diinka ku badatay, ayaa yiri: Bal waayahaye is diyaari. Ka dib markuu diinki is diyaariyay, ayuu gorgorkii kor u qaaday oo samada ula duulay. Cabaar markuu hayay ayuu ku yiri: Waan ku sii daynayaa la kala bax gacmaha iyo lugaha si aad ugu duushid. oo inta sii daayey ku yiri: Oday waa ku kaa!
Intaanu Diinkii jawaab celin, ayaa gorgorki wuxu arkay diinkii oo lirbay oo si xawaaro leh hoos ugu si dhacaya .. Diinkii siduu u si xiimayay ayuu dhagax weyn ku dhacay, markaasaa firba meel ku duulay. Gorgorkii oo aad uga xun waxa ku dhacay Diinkii ayaa naftiisii ku yiri: Intee lahaa Diinow, yaad dakaamine, dildilaacine, dusha sare iyo duulista ilow! Bal hadda, waa adigaa degee, dildilaacee, yaa leh dembigaa!