Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 21 October 2017

Badda Aw-da Haysa .. Xiddigaha Cirka Sare Gurguuranaya Iyo Faalkii Nostradam U Ina-Habreedki "Falaga" U Ka Wareystay Donald Trump

Thursday - November 17, 2016



Dadka islaamka diintooda ayaa sharci u ah, oo wareega nolosha iyo sunaha kawniga ee Allaha (sw) ugu tala galay in adoomadiisa wax ku qaataan oo wax ku gartaan, iyadoo wixii mustaqbal ahana Alle noo sheegay inu isaga kaliya ogyahay oo cidi la wadaagin.
Haddaba baqdin Gaalada reer galbeedka ay ka Qabaan xaaladaha mustaqbalka daahson ee ku qotoma caalam qaybka iyo ged-gediska waqtiga, gaar ahaan duruufaha rog-roga waqtiga ee markaas dunida ka taagan ayey dib u eegaan kutubti seban hore marjaca ahayd ee ay qoreen faaliyaashi caanka ku ahayd saadaalinta Aduunka, kuwaasoo xiliyada gad-gadoonka xidigaha cirka ku gurguurta si gaar u falaanqeeyey, waxaana ka mid ah Nin deganaa cariga faransiska oo la oran-jiray Nostradamus.
Nostradamus oo ah ninka ay qoraalkiis reer galbeedka markasta eegtaan, wuxuu qoray buuga caan ku ah caalamka oo la yiraa Nabua't " the prophecies" buugaas oo uu qoray sanadku marku ahaa 1555, waxay dadyoogaas reer galbeedka si gaara ugu noqotay marjaca ay wax ku faashadaan gaar ahaan xaaladaha dunida ka socda.

Buuga u qoray xidig faaliyaha oo markasta dood ummada reer galbeedka su'aal dhex taal ah, waxuu wax ka qoray amuuro faahfaahsan oo u uga waramaayo mustaqbalka dunida guudkeeda ka dhici-doona .. ereyda u qoray, waxuu u dajiyey hab isku qufulan oo la yiraa afarey amase Rubaaci (quatrains) oo sida loo jabiyo amase loo higaadsho ay garan-karaan keliya rag laga beeray faraciisa khabiir ku ah fasiraada baaqaas qarsoon (kodkaas)

Nostrdamus amuuraha u buugiisa ku sadaaliyey oo taariikhda soo maray waxaa ka mida: So bixidi sarkaalkii fransiska ee Naboleon, iyo hogamiyihi Naziga Jarmalka Adolf Hitler, wuxuu sido kale wax ka si saadaaliyey Atomikadi lagu riday Hiroshima iyo Nagasaki iyo dilkii John Kennedy, wuxuu kalo buugiisa ku xusay weerarkii lagu qaaday world trade center New York ( Sep.9/11) isla markaa waxuu tilmaamay dhimashadi Diana ee ahayd princess of wales.

Sido kale, wuxuu buugiisa ku qaada dhigay in Mareykan isagoo duulaan ah ay dagaal ku qaadi-doonaan dalka Ciraaq oo ninkooda Sadam xuseen la daldalidoono. iyo arimo kale oo u ka saadaaliyey bariga dhexe oo intoodi badneyd la arkay sida waxa hadda ka socda Siriya

Amuurtase la yaabka leh ee hadda markii la doortay Donald Trump ayaa markiiba buugi saadaasha dib loo daalacday waxaana la arkay inu ku qoran-yahay magaca Trump, oo u ku sheegay astaamihiisa sidaan: waxaa Ameerika ka dhici-doona doorasho dalka u horsedeysa dhamaadkii aduunka, waxaana ku soo bixi-doona Nin afka kor u taagaya edeb la'aan ah oo luuq qaloocan ka soo dusay aan lahayn bidaar, cilmi durugsan lahayn oo waa ma waabte ay saan-saan wadaagan Hitler, waa ma naxe aan lahayn garaad iyo caqli midna ku duugneyn, kaasoo dunida waxash ku noqon-doona, waa nin wixii afkiisa ka soo baxa ujeedo iyo ka jeedo lahayn hadalkana la baqin iyo laguma dhaame dhaqaaq, waa nin durbaan saar qabiil tumaya oo neceb waxaan jinsigiisa ahayn, waa anti- immigration, wuxuuna aduunka u horseedi-doonaa xaalad qalafsan oo u gurguurata in dunida faraha ka baxdo, waxaa waqtigiisa iyo hirta waabari la maqli-doona jugta atoomiko xaga cirka loo tuuray oo aan la aqoon cid riday .. Notradamos oo ahaa asalkiisa yuhuud, haddana buugiisa wuxuu ku xusay in israaiil laga saari-doono dhulka barakeysan ee Qudus oo ay la wareegi-doonaan dad qaba labiska bariga dhexe

hits Hits : 4213