Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Maleeshiyaad Anshax-daran Jiiraya Tashigga Culimada Iyo Ehelkooda Tabarna Lahayn Oo Markasta Heshiskii Dhabqinaaya

Saturday - November 19, 2016



Gaalkacyo- Xili ay nabadi iyo heshiski ay kala saxiixdeen madaxweyne-yaasha Puntland iyo Galmudug oo ay ka soo wareegtay heshiiskaas saacado un ayey maleeshiyo anshax-daran colaad baafinaaya oo tashiga nabada tolkooda diidan tabar sidaasna haynin ayey weerar ku soo qaadeen Suuqa lagu magacaabo Darxumo ee dhinaca Gaalkacyo-Puntland, mana aha markii ugu horeysay ay sidaas nabada u majaxaabiyaan, balse tiro aan yareyn ayaa horay looga quustay oo sidaas markasta wax ku dhabqiyaan.

Maleeshiyaad-kaan wax jigraaraya oo aan la garaneyn waxa ay weli dagaalka ka macaashayaan oo ka soo horjeeda heshiiskii M/weynaha Galmudug u la galay Maamulka Puntland ayaan jirin cid dhinacooda duulaanka horor ka xakameysa, waxaana arinkaasu noqday mid ay la tacajubaan wakiilka qaramada midoobay iyo ina Cabdirashiid oo hawshaas nabada fulinteeda ku mushquulsan, waxaana masuulliintaas u muuqatay in Mr. Guuleed usan awood u lahayn xakameynta maleeshiyaadkaas dhinaca baraxley ka falaagoobay

Xaafadaha Horumar iyo Garsoor ayaa laga maqlayaa dhawaqa rasaastan qoryaha fudud, iyadoo ilaa iyo hadda Ciidamadda Puntland aysan ka jawaabin tacshiiradaha rasaasta markasta lagu soo rido

Odoroska iyo saadaasha reer Gaalkacyo ayaa la isku raacay rajadda laga qabo nabadda Gaalkacyo lagu soo daabullo inay aad u yar-tahay, gaar ahaan inta maleeshiyaadka macangaga ee ku sugan xaafadda Baraxleey kana amar qaadan Madaxweynaha C/kariin Guuleed ay adag-tahay in la xakameeyo weeraradda ay soo qaadayaan, iyagoo aan raali ka aheyn nabadda iyo heshiiska halkaas laga gaaray.