Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xildhibaanadi Beesha Tanade Oo Maanta Soo Dhameystirmay .. Ku Soo Dhawaadda Gacmo Furan Iyo Salaan Gaara

Saturday - December 10, 2016

Waxay soo gurguurataba, hadaba dhinac soo dhigataba, waxaa warkii ugu dambeeyey ee galabta naga soo gaaray hardankii doorashada ka socotay Garowe ayaa sheegaya in maanta la soo gabagbeeyey doorashadi daadbaneyd ee lagu tartansiinaayey musharaxiinta siiba inti ka harsaneyd Beesha Tanade Daarood, gaar ahaan qaybti ka soo jeeday bulshada Gobolka Mudug kuwaaso qoondo ahaan Sadex xildhibaan u tartamaayey, halka bulshada Tanade ee gobolka Bari iyo Nugaal ay hore ugu faataxeysteen tartankii laba xildhibaan.

Waxaa doorashadi maanta ee loo wada xagafsanaayey xusul-duubka Sadexda kursi oo ay ka qayb galayeen musharaxiin illa tobaneeyo in ka badan, hasa ahaate ugu dambeyn jufakasta dhinaceeda wax la is reeb reebaba, waxaa ugu dambeysti halka laga iclaamiyey in codkii guusha xildhibaanimada ay ku raacday musharaxiinta hoos ku qoran
1- Musharax Mudane Saadiq Warfaa
2- Musharax Mudane Cabdirashiid Gaboobe
3- Musharax Mudane Daahir Muuse
Iyo Musharaxiinti horay u kala helay kuraasti Bari Iyo Nugaal Oo Kala Ah
1- Musharax Mudane Zakariya Xaaji Axmed
2- Musharax Mudane Saciido Maxamed Xasan

Sidaas ayaa doorashadi ololaha waayahaan socotay ee marxaladaha kala duwan lahayd iyo hadba waqti dhinac soo dhiganeysay ay maanta wajigaas ku soo gabagabooday, waxaana guud ahaan bulshada Beesha meelkasta joogaan gudo iyo dibad la is faray in xildhibaanadaas gacan furan lagu soo dhaweeyo ducana loogu daro, oo laga haro ereyada inoo halhayska ah; reer hebel wax kuma laha, waa inaan lagu sifoobin doqonti somaalidu tiri: Doqontu il keliya ayey leedahay, ishaasna walaalkeed ayey ku argtaa,.

Sidaa daraadeed waa iga taloe' inti hadal iyo muran ku jiri-lahayn oo sidi koran xaniyaha laga muday meelaha maluugnaan lahayn, so kama fiicna in tashi aan ku gaarno in qofkasta oo lacag u diraya degaamada u ka soo jeedo la saaro lacag lagu magacaabo solidarity found loogu tala galo horumarinta project-iga degaanka .. cala ay xaal dhinaca xildhibaanadaas siyaasiga hadey xumadaan waa masuuliyad aan cafis lahayn, hana la ogaado xulashada xun in lagu cadaab muto

Waxaa kalo la is faray in si gaara loogu hambalyeeyo hanad-yada libaax ee golaha hogaanka tolka  guddiyadisa loo xilsaaray jilibka u aasay xal u helida amuurihi muranka taagnaa oo inti karaankooda si buuxda isugu xilqaamay in hawsha hab iyo maamus ku soo idlaato, isla markaa waxaa si gaara loogu hambalyeyey haybada eebe u gartay hogaanka dhaqanka Ugaas Maxamud Ugaas Axmed u ku muujiyey Hogaamin, Dulqaad, Caqli salim-nimo, Samir iyo Dhex-dhexaadnimo, waxaa kalo Ugaaska loogu hambalyeynaya jawaabti u ka bixiyey jugti jawaanka lacagta jooga dheera ee laga keenay mogdisho ujeedada ahayd inu go'aan qaadasho fayris ah eex iyo cadaalad daro ka sameeyo arinka doorashada, hasa-ahaate damiirkiisi u diiday iyo Jawaabtiisi ahayd; Xaraan Caleyka iyo Maya ayuu isu raacshay.