Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Mid Ka Mida Ah Guurkii Abid Ugu Qaalisanaa Aduunka Oo Shan Maalmood Dabaaldagiisa Ka Soconaayey Dalka Hindiya

Saturday - November 26, 2016



Mid ka mid ah guurkii ugu qaalisaa aduunka oo shan maalmood soconaya ayaa dabaaldeggiisu ka socdaa koonfurta Hindiya gobolka Karnataka. Maalqabeen lagu magacaabo Janardhana Reddy oo ka ganacsadda macdanta horeynna u ahaa wasiir gobolleed ayaa la sheegay in u ku bixinayey aduun lacageed oo gaaraya 74 milyan oo doolar guurka gabadhiisa oo ka dhacaya magaalada Bangalore.

Kharash bixintan caqliga ka baxsan waxay dhalisay in si wayn loo dhalliilo iyadoo malaayiin Hindi ah ay la daalacdhacayaan dhibaato ka dhalatay Bangiyada oo laga la’yahay in lacagihii nuqulka ahaa. Eedeymaha ayaa waxaa ka mid ah in tani tahay dhaqan xun oo lagu soo bandhigayo tujaarnimada.
Laakiin sheekada yaabkeedu wuxuu yahay ninkan hantida intaas la’eg ku bixinaya guurka gabadhiisa wuxuu bannaanka ku joogaa racfaan maxkamadeed oo waxaa loo haystaa eedeymo ku salaysan musuqmaasuq, kuwaasi oo uu gaashaanka u daruuray.

Guurka waxaa amaankiisa sugaya sadex kun oo ilaallo gaar ah iyo sadex boqol oo ciidamo Booliis ah oo ay ku jiraan kuwa qaraxyada ka hortaga iyo waliba eeyaha wax uriya.
Guurkan wuxuu noqon karaa mid aad u qaalisan, laakiin wuxuu ka fogyahay innuu kaligiis yahay, halkan waxaa ka mid ah guurka ugu qaalisan aduunka.

Vanisha Mittal, gabar uu dhalay ninka labaad ee ugu hantida badan Hindiya oo lagu magacaabo Lakshmi Mittal, ayaa guursatay Amit Bhatia xaflad la sheegay inay ku kacday 74 milyan oo doolar sanadkii 2004-tii, sida uu sheegay wargeyska Forbes oo ay BBC-du soo xigatay qoysku waxay wadanka Faransiisku u qaadeen 1000 marti ah si ay uga qayb galaan xafladda oo ka dhacday Versailles.

Laakiin waxa hoos galiyey arooskaas kii Amiirka dhaxalka boqortooyada UK isla leh Charles & Diana, [Ameeriadii geeriyootay ee gobolka Wales] Princess of Wales. Arooskaas oo sanadkii 1981-kii dhacay waxaa ku baxay aduun lacageed oo gaaraya 37.2 milyan oo lacagta Ingiriiska taas oo maanta u dhiganta 116 milyan oo geniga kuna dhaw 150 milyan oo doolar, laakiin guurka wiilkooda William oo guursaday Kate Middleton wuxuu ku kacay 20 milyan geniga Istarliinka ah sida uu qoray wargeyska Daily Mail.
Hase yeeshee guurka dunidda ugu qaalisan waxaa qaatay lammaane u dhashay wadanka Ruushka ka dib bishii March markii ay isguursadeen wiil uu dhalay milyuneerka lagu magacaabo Said Gutseriev oo guursaday Khadija Uzhakhovs arooskaas oo ka dhacay Magaalada Mosko waxaa ku baxay 1.2 milyan oo doolar sida wargeyska Mail Onliune uu qoray oo ay BBC-du soo xigatay, waxaa arooskaas ka heesay fanaaniin ay ka mid yihiin Jennifer Lopez, Sting & Enrique Iglesias.
Xigasho: BBC