Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Geesigii Tilmaana Mr.Butin Oo Sidi Aar Libaax Ooda Soo Jabsaday Iyo Bush Oo Calaacalkii Ka Dhamaaday

Monday - August 11, 2008

Wahiintoon, Moskow : Natiijada dagaaladda kadiska ah ee ka dhex aloosmay labada dhinac ee Ruushka iyo Gorgiya ayaa masuullinta Mareykanka iyo reer Yuruba ay ku noqotay dhakafaar iyo dhagiig oo ay ka walwalsanyihiin guuldaro ku timaada xaliifkooda dawlada Gorgiya.

Sida la ogyahay maamulka Mareykanka waa sida u qorsheeye, waxuu weligiis ku haminayey in maalin maalmaha ka mid ah arko Ruushkii booteyn jiray oo khashuucsan, gurguurasho iyo naf-lacaari ugu soo baryootan taga, isagoo gaajo iyo kurbo la xoq-xoqanaya oo jab muufa ah sharaftiisi iyo midnimadiisi ku iibsanaya.