Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ragga Somalida Oo Waqtiyadaan Dambe Aad Uga Cawda Borostaatada .. Iska Hubi Inaad Qabto Dhibaatada Borostaatada

Monday - December 12, 2016


Waa Maxay Qanjirka Prostaytka?
Prostate ku waa qanjir uu ragga oo kaliya leeyahay. Wuxuu qiyaastii xajmigiisu le’eg yahay miraha lowska wuxuuna ku fadhiyaa xagga hoosa ee kaadi-haysta oo ku wareegsan ibta (urethra). Prostate-ku wuxuu sameeyaa dheecaan caanno oo kale ah, taas oo qayb ka mid ahi noqoto shahwadda ragga waxayna quudisaa biyaha minka.

Isla marka raggu gaboobo, qanjirka prostate-ka ayaa weynaada. Tani waxay dhacdaa sannado badan ragga qaarkiina tani waxay sababi kartaa dhibaatooyin kaga dhici kara kaadi-haysta.
Kontoroolka xun ee kaadi-haysta wuxuu sidoo kale dhici karaa arrimo caafimaad oo kale awgood.

Ragga leh kontoroolka xun ee kaadi-haysta waxay noqon karaan kuwa ka xumaada oo uu werwer 
geliyo dhibkani. Haddii aad qabto isbedelo ku yimaada kontoroolka kaadi-haystaada, ama aad saluugsan tahay wax ku saabsan qanjirka prostate, la hadal dhakhtarkaaga ama la talliyahaaga una sheeg dhibaatada kaa haysata kaadi ceshad la’aanta.

Waa Maxay Qaar Ka Mida Dhibaatooyinka Caamka Ah Ee Prostatka
1- Prostatitisku waa barrarka iyo xannuunka qanjirka prostate-ka waxaana laga yaabaa inuu yahay sababtoo ah infekshinka kaadi-haysta. Aad iyo aad ugu badan yahay ragga dhalinta yar.

2- Prostatic Hyperplasia aan dhib lahayn (BPH) waa marka prostateku uu si tartiib ah u balaarto, badanaa bilowga da'da dhexe. Qiyaastii hal afartii nin waxay u baahan doonaan qaliin loogu talagalay dhibkaan (BPH ma keeno kansar).

3. Kansarka Prostate-ka waxaa badanaa la helaa ka hor intaadan helin wax calaamado digniin ah. Waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarkaagu ku helo baaritaanka dhiiga (ee loogu yeero PSA) oo uu jeegareeyo prostate-kaaga. Waa kansarka ugu caamsan ee ragga, waxaana laga yaabaa inuu kugu dhaco markaad sii weynaataba. Si kastaba ha ahaatee waa mid ka mid ah kansarada la daaweeyo.

Sidee Baanu Ku Ogaaneynaa inaan Qabo Dhibaatada Prostate-ka ?
Haddii aad qabto mid ama wax ka badan oo arimahaan ah, waxaa laga yaabaa inaad qabto dhibaatada prostate-ka:
-Dhibka ah bilaabida kaadida;
-Socodka kaadida oo gaabinaya mar haddii aad bilowdo;
-U baahnaanta inaad kaadido marmar badan maalintii ama habeenkii;
-Ka daadashada kaadida kadib markaad kaadido, ama inta u dhaxeysa wakhtiyadaad musqusha tagto;
-U baahnida inaad mar labaad kaadido isla markiiba markaad musqusha ka soo baxday;
-Dareemida rabitaan aad ah oo ah inaad kaadiso;
-Gubashada ama xannuunka markaad kaadshayso;
-Kaadida oo dhiig ku jiro; iyo
-Dareemida inaan kaadiheystu aysan si buuxda u fuuruqin ka dib markaad musqusha tagto.
-Dhibaatooyinkan qaarkood waxaa laga yaabaa inaysan noqon prostate-ka awgii. Tusaale, daawooyinka qaarkood ayaa laga yaabaa inay sababaan in kaadi-heystu keydiso kaadi. Dhakhtarkaaga ama la talliyaha ceshadka kaadida ayaa kaa caawin kara inaad hesho waxa sababaya dhibkaaga.

Sidee Buu U Sababikara Dhibaatooyinkayaga Kaadi-haystu Prostate-ka ?

Daboolida urethra (tuubada kaadida):Isla marka prostate-ku uu balaartaba, waxaa laga yaabaa inuu xiro kaadi-heysta oo uu ka joojiyo kaadiheystu inay faaruqdo. Xaaladaha qaarkood, kaadida waxaa laga yaabaa in la keydiyo ilaa ay bilowdo inay daadato. Haddii tani dhacdo, isla markiiba dhakhtar arag.

Kaadi-heysta firfircoonida saaiidka leh waxaa sababi kara kaadiheysta oo si xad dhaaf ah u shaqeysa si ay u dhaafto meel xiran. Kaadiheysta firfircoonida saaiidka leh way isdhuujin-kartaa kontoroolkaaga la'aantiis, iyadoo sababeysa baahi degdeg ah oo ah inaad kaadido. Qaliinka ka dib si loo debciyo meeshaan xiran waxaa laga yaabaa inaad weli leedahay rabitaan degdeg ah si aad u kaadido, waxaana laga yaabaa inay sii xumaato dhawr toddobaad ka dib, ilaa ay kaadiheystu caadi ku noqoto.

Qaliinka dhibaatooyinka prostate waxay wax yeeli karaan muruqyada iyo neerfayaasha dusha kaadiheysta xaallado yar gudahood. Tani waxay sababi kartaa kontoroolka xun ee kaadiheysta. Haddii ay dhacdo had iyo jeer waa wax wakhti gaaban qaata, inkastoo qaliinka weyn ee kansarka prostate-ka uu keeni karo dhibaatooyinka kontoroolka kaadida oo wakhti dheer qaata.

Sidee Baa Loo Daaweyn-kara kaadiheysta Kontorolka Xun? 

Marka koowaad, dhakhtarkaaga ama la taliyaha ceshadka kaadida ayaa dooni-doona inuu raadiyo waxyaalaha sababay kontoroolka xun ee kaadiheysta, sida cudurka prostate, infekshinka, sonkorta ama waxoogaa daawooyin ah.
Waxaa jira siyaalo yar oo kaadiheysta kontoroolka xun cudurka prostate-ka awgiis waa la daaweyn karaa.
1. Dhakhtarkaaga ka jeegaree .. Ka dib markaad la hadashay dhakhtarkaaga, waxaa laga yaabaa inaad dareento inaadan u bbaahneyn wax daaweyn ah. Kontoroolka xun ee kaadiheysta wuxuu ku fiicnaan karaa wakhti ka dib, ama isbedelo sahlan oo lagu sameeyey caadda maalmeedkaaga.
2. Daawooyinka Waxaa jira tiro daawooyin ah oo kaa caawin kara kontoroolka kaadiheysta. Weydii dhakhtarkaaga wax kuwan ku saabsan.
3. Qaliinka Prostate
Haddii prostate-kaagu uu dhibka yahay, ka dib qaliin ayaa kaa goyn kara dhammaan ama qaybta qanjirka. Nooca qaliinku wuxuu ku xirnaan doonaa xajmiga qanjirka prostate-ka.
4. Tababarka Kaadiheysta
Barnaamijka tababarka kaadiheysta wuxuu caawin karaa kaadiheysta inuu hayo kaadi badan isagoon daadin ama dareen degdeg ah la iman, xitaa kuwa leh kaadiheysta firfircoonida badan.
5. Tababarka Muruqa Sagxada Miskaha
Tababarka muruqa sagxada miskuhu wuxuu dhisayaa muruqyada kontoroola sida u wanaagsan ee ay u shaqeyso kaadiheysta iyo caloosha. Barro sidii aad u tababari lahayd muruqyadaada ka hor qaliinka una bilow sida ugu dhakhsaha badan qaliinka ka dib.
6. Alaabta ceshadka Kaadida
Waxaa jira alaab badan oo kala duwan ee ceshadka kaadiheysta si ay kaaga caawiso la qabsiga daadashada kaadida.
Hubi inaad in ku filan taqaano wax ku saabsan waxa dhibku yahay, iyo daawooyinka la heli karo , sida ugu wanaagsan ee ay u shaqeeyaan iyo waxa khaldami kara, si aad u doorato daaweynta kuugu fiican iyadoo dhakhtarkaagu ku caawinayo.
Dhibaatada kontoroolka kaadiheysta ama caloosha – waxba ma leh inta yaraanteedu tahay ? waxay u baahan tahay taxadar in la siiyo.
Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan prostate ama kontoroolka kaadiheysta wax ka waydii Qoraaga maqaalkan Dr. Mahdi.

Qalinka: Cabdilaahi M. Mahdi