Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

90 Xildhibaan ka Badan Oo U Soo Gudbisay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mooshin Ka Dhan Ah Nuur Cade

Wednesday - August 13, 2008

Baydhabo : Wararka ka naga soo gaaray magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay hadda wadaan dhaqdhaqaaqyo saameyn ku yeeshay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Sida warka sheegayo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo labadaas mas'uul la kala safan ayaa kuwa la safan Madaxweynaha waxay ku eedeynayaan Ra'iisal Wasaaraha in Xukuumaddiisa ay gashay fadeexad maaliyeed, sidaas darteedna ay tahay in ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, waxaana warku tilmaamaya in xildhibaanadaas ay taxeen liis ay ku qoranyihiin illa 105 xildhibaan oo ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe, si looga doodo mooshinkooda la xariira kalsoonida dawlada Nuur cade.

Dhinaca Xildhibaannada la safan Ra'iisal Wasaarahana ay ku doodayaan in Madaxweynaha uu ku xad gudbay Axdiga KMG ah iyo Guud ahaan dastuurkaba,sidaas darteedna ay qasab tahay in laga geeyo mooshin lagu dacweynayo, lamasa sheegin illa hadda liis magacyo xildhibaan oo mooshiinkaas ka dhan ah madaxweynaha la gudbiyey.