Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Taariikhda Aan Barano .. Aarkii Sayid Maxamed Cabdalla Xasan Oo Kala Ogaaday Nin Ganay Iyo Nin Galaday .. Sababti Loo Dilay Garad Cali

Wednesday - December 14, 2016



Garaad Cali Garaad Maxamuud oo bulsshada reer Nugaaleed Bo-qor u ahaa iyo rag kale oo talada ku raacsanaa ama la talin jirey ayaa run ahaan arrinta Sayid Maxamad wado diiddanaa. Dabadeedna rag xigaalo u ah garaadka ayaa loo diray oo waxa la yiri: Bal Garaadka ha lala hadlo. Hase ahaatee Garaadka markii xaajadi loo geeyey oo lagu yiri: Dariiqada qaado, jihaadkana nala gal, laakiin garaadkii, wuxuu soo jeediyey talo ah : Wadaadku wixii diin ah ama diinta ku lug leh ha xukumo. Wixii reer ah ama dadka Nugaal deggan xaalkooda ha loo dhaafo, dhulkayagana gaalo ma joogto, tan xeebaha iyo magaalooyinka lagu sheegayana dagaal ku doonaan mayno. 

Maantii dambe ayaa Sayidkii Garaadkii cid u diray oo wuxuu ku yiri: Garaad bal aan tashannee noo kaalay. Dariiqadana rag badan oo Garaadka la dhashay ama la xidid ah baa jooga, isla mar- kaa Garaadkii inuu dariiqada tago oo Sayidka iyo raggiisa la xaajoodo waa oggolaaday. Ammintii ballanku ahaa ayaa Garaadkii iyo rag la socdaa xarunti dariiqada yimaaddeen. Dabadeedna Sayid Maxamad baa yiri: Garaad labadeennu aan aqal gaar ah tagno oo wada hadallo. Hase yeeshee Garaadkii waa diiday oo wuxuu yiri:Anigu raggayga kama faqo. Markaasaa Sayidkii wuxuu ku dadaalay si uu u hagaajiyo aqal-weyn oo ragga wada qaada. Kolkaasaa Garaadkii xan wuxuu ku yiri: Kabash-kabashley, wallee aniga iyo adigu Nugaal kama wada talino. Hadalkaa ayaa Sayidkii loo sheegay. In kastoo hadal waayeel oo hufan lagu wada hadlay Garaadkii wuxuu yiri, «Nugaal iyo dadka deggan anaa Boqor u ah. Taladooda nin iiga dambeeya maahee ninna uga dambayn maayo!». 

Bishii Oktoobar 1899 ayaa waxa sir lagu ogaaday in Garaadkii laba warqadood oo kala duwan diray : middood wuxu u diray Bo- qor Cismaan oo u talin jirey Gobolka Boosaaso iyo xeebaha Bari oo ku 
yiri, «Wadaad Ogaadeen ah oo dariiqo aan dhulkan laga aqoon wata ayaa dunidii walaaqay, dadkiina kaxaystay. ee boqorow Dab iyo askarba ii soo dir. Midkalena wuxu u diray Ingiriiska. Hase ahaatee waraaqdaa uu Ingiriisku u diray waa la qabtay. Markii taa la ogaaday, horena loo tuhumsanaa, waxa loo qaatay inuu daraawiish ka soo hor jeedo. Dabadeedna rag baa loo diray oo waa la xujeeyey waana la diley.
Xigasho Qoraaga Aw Jaamacc Ciise