Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Fariinti Iyo Baaqi Wax-Garadka Galdogob: Gurmad Deg Deg Ah Ha Loo Fidiyo Ummadda Ay Ku Xirantahay Nolosheenu, Haddi Kale Waa La Isla Bas-beelin Miyi Iyo Magaalaba

Sunday - December 18, 2016


Farriinti Wax-Garadka Galdogob: Waxa laga soo dayri-nayaa gobolka Mudug gaar ahaan degaanada ku xeeran Galdogob iyo meelo badan oo ka mid ah degaano ku teedsan xuduuda itoobiya oo ay abaaro wadar u saameeyeen oo ay fara xun ku hayso, keentay-na dhibaato aad u baahsan, waxa aad markiiba fahmaysaa in ay jiraan biyo la’ani iyo xaaluf oo la waayey caws ay cunaan xooluhu, 

Nolosha gaalkaccyo iyo galdogobna waxay ku xiran-tahay tan baadi-yaha ee ah xoolo dhaqatadda, madaama ay sidaas tahay marka ay qaylo dhaani timaado ku saabsan abaar soo food saartay dhulka daaqa ah ee ay ku foofaan xoola-heenu waxay saamayn weyn ku yeelanaysaa sida uu u dhan yahay miyi iyo magaalo-ba, waayo waa wax wada xiriisan oo aan sina u kla bixi-karin, khatarna ku ah dhan kasta oo la eego haddii ay tahay xagga dhaqaalaha, iyo nolosha caadiga ah-ba.

Hadaba waxa waajib ah markaas in culays la saaro si looga baxo abaarta ku habsatay dadyooga Mudug oo ay ugu si darantahay Degaanada Galdogob .. Way kal xun yihiin biyo la’'aanta iyo caws la'’antu in kasta oo labduba ay lee-yihiin marka yimaadaan khasaare aad u fara badan. Biyaha la’aanta baa labadda la qaatay, waayo waa loo dhaamin karaa oo meelo fogfog baa laga qaadi karaa lana gaar-siin karayaa marka loo guntado ee ummadu ay xil iska saarto.

Cala ay xaal ma aha in la eegto waa in gurmad deg-deg ah loo fidiyaa ummadda ay ku xiran tahay nolosheenu oo ah  xoolo dhaqatadda, haddii kale waxa iman kara in la isla bas-beelo miyi iyo magaalo-ba, taas oo cid kasta si toos ah u taabnaysa, Sidaa awgeed, ilaahay waxan ka baryayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan uu raxmaad u shubo, oo ay geedo u soo baxaan, 

Walalayaal: Waxa aynu galay dunuub aad u fara badan oo ka dhalatay wakhti-yadi iyo isku jeedkii la iska keen hor jeediyey, iyada oo waxa xun la isku gargaa-raayo, xumaantii iyo fusuqii oo noqday xad dhaaf, isu miciin la’'an, iyadda oo laga faanaayo wixii wacnaa oo aan cid is qabanaysaa aanay jirin ee la isku sii taageraayo wixii foosha xumaa, cadaaladdii oo aynu ka tagnay, been aan la isu joojinayn, tuugo iyo dhaar been ah, markhaati hunguri lagu kiraystay, oo tii alle ka tegay, xaasinimaddii oo faaftay oo mid-ba mid uu sii waydaari-naayo. arimahan iyo malaayiin kale oo fara badan oo aan maqaal lagu soo koobi karin baa caro alle inagu timi, ilaa aan ka waantoow-nona waa taas oo abada ah,

Rabbi wuxu ku yiri Quraan-kiisa ummaddii aan is caawin, anna ma caawiyo, waana ta joogta maanta ee abaar iyo dhimasho macaluul ah ay noqotay aayahii aan ka dhaxalay, ilaah ha inaga qabto, laakiin sida aan ku socono iyo wadda aan ku joogno haddii aynaan wax ka bedelin yaan loo fadhiyin wanaag iyo in ay ka soo rayso.
Waxa ku baraaruji-nayaa Dadka degaanka u dhashay fadhiga uga kacaan dadka abaarhau ay soo wajahday, waa in ay dhmaan ummadda wixii wax haystaa, sama-falka iyo hay’aduhu-ba ay geestoodda iska abaabulaan siddii loo sahalli lahaa xaaldan aadka u adag inta aanay ka siidarin, oo aanay sii kordhin gaarina heer wax laga qaban kari waayo, ummaduna waa in ay gacan siisaa, maaha in dawaladda iyo maamul baa gacmo weyn uun la yiraaho oo la eegto masaa’iibtan inaga hor timi.

Waxan ku soo dabray maqaalkan baryo aan ilaahay ka codsanaayo in uu deg-deg inooga saaro dhibtan abaarta ah iyo macaluusha, waxa kale oo aan ka codsanayaa culimaddu in ay duceeyaan oo roob-doon ummadda u hor kacaan, umaduna ay meel ay joogaan-ba rabbi baryaan in uu ka saaro marxaladan oo ay iska dhaafaan waxa aan laaqiga ahayn .. Wa Bilaahi Tawfiiq