Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta: " Islaamka Iyo Toosinta Suluugyada Umada

Thursday - August 14, 2008

Marka laga hadlayo suluukiyaadka ama akhlaaqiyaadka dadka waxaa lagama maarmaan ah in loo eegaa hadba waxa insaankaasi aaminsan yahay waa ayoo waxaa jira wax aan ku xumayn dhaqamada qaar kuna xun qaarkale, in kastoo ay jiraan suluuk ama akhlaaq caam ah oo ka dhaxaysa insaanka dhamaantii oo laga yaabo in muslim iyo cid aan muslim ahaynba laga helo, laakiin waxaa la kala baxayaa marki loo yimaado hab dhaqanka diineed.

Umadda muslimaka ah waxa ay suluugeeda ama akhlaaqdeedu kujaan go,antahay ama ku salaysan tahay islaamka iyo waxa uu ka yidhi arinkaa waayoo Allaah kitaabkiisa qur`aanka ah muusan ka halmaamin waxna waakan Allan naleeyahay:

ما فرطنا في الكتاب من شيء آية 38 من سورة الأنعام

Waxba kama aanan tegin kitaaka

Hadaba tawjiihaadka ama taloyinka xagga Allaah nooga yimaada ee kala cadaynaya suluugga qaloocan iyo kan toosan akhlaaqda xun iyo tan toosan oo ay tahay in Allah looga danbeeyo waxaa ugu horeeya ruuxa muslimka ah in uusan Afxume noqon oo uu iska ilaaliyaa dhamaan wixi xun ama la dhibsado hadal iyo ficilba in ay ka soo fulaan Allaahna waxaa uu leeyahay:

وقولوا للناس حسنا آية83 من سورة البقرة

In ay u dhahaan wanaag dadka