Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dayax Madoobaad Si Weyn Looga Arki-doono Caalamka

Sunday - August 17, 2008

Science yahanadda cilimi falaka ama xiidigeeska ayaa sheegay in caawo lagu wado in uu dayaxo madowbaado kaas oo intabadan dhaca, sida ay sheegaan Seenisyahannada marka Dhulku kala dhexgalo Qoraxda iyo Dayaxa kaasoo harka dhulku saamayn kuyeesho dayaxa, sidaasna uu ku yimaado Dayax madoobaad qayb ah ama wada saameeya gebi ahaanba.     

Axmed Muxsan Aljuubi oo ah khabiir xagga cilmiga xiddigaha oo u dhashay dalka Yemen ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee SABA in caawo oo Axad ah oo ku began 16 bisha august in dalal badan oo kuyaal Asia , Africa, Europe, Australia iyo Latin Ameerica ay arki doonaan dayax madowbaad gebi ahaan ama qeyb ahaan.