Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Cabdulaahi Yuusuf Iyo Nuur Cade Oo Diiday Isu-Tanaasul, Nasteexo Iyo Horumar Heshiis

Wednesday - August 20, 2008

Adis ababa : Wararka illa xalay ka soo baxayey Adisababa cariga itoobiya oo la xariira wada hadalkii u dhexeeyay masuuliyiinta sare ee dowladda federalka ee la doonayay in halkaa lagu xaliyo uu iminka marayo heerkiisii ugu sareeyay oo sida la filayo u bur bur ku socdo, waxuuna warku intaa raacinaya in laga yaabo saacadaha soo socda u Cabdulahi Yuusuf oo u weheliyo Aadan madoobe ay u dhoofaan magaaladda baydhabo. 

Waxa kalo Wararka ka soo baxaya Adisababa, tilmaamayaan in Nuur Cade u bilaabay inu u go-goyo kulamada shirka la balansaday oo tiro sadex jeer uga baxay fadhi laga sugayey, taaso ka careysiisay Cabdulaahi Yuusuf kuna kaliftay inu yirahdo waan iska dhoofaya.

Sida lala socdo shalay Ra`iisal wasaare Nuur Cadde iyo gudoomiyaha Barlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in laga raray hotelkii ey la daganaayeen madaxweyne C/laahi Yuusuf, iyagoo la dajiyay hotel kale oo aan sidaa uga fogeyn kan laga raray.