Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Turki Iyo Roobow Oo Kismayo U Magacaabay Maamul Kadib Markii Beelaha Ay Ku Heshin-waayeen ...

Saturday - September 6, 2008

Kisimayo: Wararka ka soo baxaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaaladaas laga sameeyey maamul shareecada islaamka ah oo la rabo in dadka lagu dhaqo, si loo fuuqsado nicmada rabi.

Sida warku tilmaamayo beelaha bulshada kisimaayo ee ku andacooda sheegashadeeda, oo maamul sameynta magaalada shir ka qaatay, waxa ka dhashay muran iyo buuq xoog leh, oo baariiqasho galiyey maamul sameyntaas, taasna waxa sabab u ahayd iyadoo beel kasta isu sharaxday madaxtinimada degmada kisimaayo oo ay noqotay qir iyo qir, waana arin kisimaayo muddo dheer ku noqotay hal-xiraale oo illa hadda cid furta la la'yahay.