Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wadadii Highweyga Garacad-Galdogob Iyo Itoobiya Oo Laga Gaaray Heshiis Lagu Sifeynkaro Samatabixin

Wednesday - September 17, 2008

Xariir State-Galdogob: Warar naga soo gaaray magaladda Galdogob, ayaa tilmaamaya in shakiigi ka taagna wadada highweyga dooc looga leexindoono degmada galdogob ay hadda caradii xiisadeed,iyo jiririqsigi kacdoon hoos u shiiqmeen, kadib markii Guddigi dabagalka hawlahaas loo xilsaaray ay ballanqaad adag ka soo heleen ragi masuulka ka ahaa mashruuca Garacad.

Wariyahayaga halkaas jooga Ibn Khalifa "Shaati-Cade" oo qiisadaas si ay ku dhacday ku raad joogay, waxuu noo soo sheegay in guddigi loo xil saaray iney dabagal ku sameeyaan sheekada jidkaas, ay shawr iyo la kulan la qaateen masuuliinta u xil saaran mashruuca Degmada Garacad, waxayna ku guuleysteen in wafdi u horkacayo wasiirka maaliyadda Puntlaand Mr. Maxamed Cali "gaagaab" ay soo mariyaan wadadii dhawaan laga sifeeyey miinooyinka oo iminka loo maro durduro iyo xashaash nabadgalyo,wadadaas oo illa 1977 u xirneyd sababo miinooyin ku aasnaa.