Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta: " Quluubta Waxay U Dhaxeysa Qaleyl Iyo Raxmad

Thursday - September 18, 2008

1) Qaluubta , Axwaashooda iyo Noocyadooda:

Waa Maxay Qalbigu?

Qalbigu waa cad yar oo ku yaala korka dhiniciisa bidix ee laabta , macna ahaana waa Fu’aadka Insaanka oo Ilaahayna Ka hadlay, waana guriga / hooyga Imaanka , Taqwada, Ixtiraamka, Thikriga, Jacaylka iyo Nabadgalyada

sidoo kale waa guriga Kufriga . Nifaaqa , Riyaaga , Xiqdiga , Xaasidnimada , Karaahiyada iyo Walwalka.

Waxuu tilmaamay Rasuulku s.c.w. siday isugu xidhan yihiin Imaanka iyo qalbigu waxuuna yidhi Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay (( Imaanka ma aha rajo ee waa wax ku sugnaaday qalbiga camalkuna ka run sheegay )) sidoo kale waxuu yidhi Rasuulku s.c.w. ((lama aqbalo Imaan aanu la socon Camal sidoo kale Camal aanu la socon Imaan)).

2) Axwaasha Quluubta:

-Maxaa loogu bixiyey qalbiga /wadnaha qalbi ?

Waxaa loogu bixiyey qalbiga qalbi sida u isu gagadiyo oo isugu gadiyo khayr iyo shar.
Rasuulku s.c.w. waxu yidhi xadiis macnahiisu yahay ( waxaa loogu bixiyey qalbiga qalbi siduu dhakhso isugu gadiyo ).

Waxuuna ku matalay Rasuulku s.c.w. qalbiga xadiis macnahiisu yahay sida (baal yaala meel banana ah oo dabayshu marba dhinac u rogayso ).

Sidoo kale Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay (qalbiga ibn aadanku waxuu ka isgagadi badan yahay digsi dab xoogleh la saaray oo kar dartiis is gagadinaya)

Qalbiyadu kuma sugnaadan hal xaal waxayna ku jiraan gacanta Ilaahay oo siduu dono ayuu ka yeelaa.

-qalbiyada Muminiintu waxu galiyaa Imaan, Ixsaan, iyo Adeecida Ilaahay.

-qalbiyada Gaaladana waxu galiyaa Nifaaq, Riyaa iyo Xasad.

Waxaas oo dhamina waa qudrada Ilaahay , Xikmadisa iyo Cilmigisa.


3) Axwaasha Quluubta:

Qalbiyadu waxay u dhexeeyaan Imaan iyo Kufri waana 4 xaaladood

Waxaa laga wariyey Cali Bin Abii Daalib ama Abuxudayfa r.c in u yidhi Rashuulku s.c.w. qulubtu waa 4 nooc

1- Qalbi nuuraya oo iftiimaya kaasina waa qalbiga muuminiinta
2- Qalbi daboolan o xidhan kaasna waa ka kaafirka
3- Qalbi qalooca /foorara waana ka munaafiqa
4- Qalbi u dhexeeya laba dhinac oo marba midjiidanaayo mar iimaanka ayaa jiita marna dhinaca nifaaqa kuwaasina waa kuwa isku qasay laba camal oo kala ah mid wanagsan iyo mid xun, qalbiguna waxu yahay marba xaal oo kuma sugnaado hal xaalad qudrada Ilaahay.

Rasuulka s.c.w. waxu yidhi xadiis macnahiisu yahay (( qofku waxuu waabariista isaga oo muslim ah waxuna galabsadaa isaga oo gala , waxuuna galabsadaa isaga oo gala waxuuna waabariistaa isaga oo muslim ah) sido kale waxuu ku ducaysan jiray Rasuuku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay (( Ilaahi Qalbiyada gagadiyo ku sug Qalbigayga diintaada,
Ilaaha quluubta dirow u dir qalbigayaga daacadaada ).