Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta "Geerida Ayaa Waano Noogu Filan"

Thursday - September 25, 2008

Marka U horaysa waxaan dadka u dardaarmaynaa cabsida Alle, sida allaah uu Quraanka kariimka ah noogu sheegay {dadyahaw muÂ’miniinta ahi haddad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu iddin yeelayaa faraj (nabad gelyo) wuxuuna asturi dambigiina. (anfaal 29)}.

Sida aynu wada ogsoonahay Eebe nooma abuuran dheel-dheel wax walbana waa naloo kala cadeeyey. Ajasha (mudada) qofka loo qabtay
waa wax kooban, qof walibana maalin ayuu dhimanayaa laakiin yididiilada iyo waxyaalahu qofku had iyo goor ku fakeraa waa mid aan dhamaanayn.

Waxaan maalin walba aragnaa qof dhintay ama mayd la sii wado, ma ku fekertay marna xiliga aad adiguna dhimanaysid. Dadka ahlu cilmiga ah (aqoon yahanada diinta) waxay yiraahdaan markay ka hadlayeen dadka geerida iyo Eebe ilaaway, [ dadka geerida ilaaway wax kasta oo ay ururshaan ma dhergaan, mana gaaraan waxa ay ku fekerayaan (yididiilada), aduun aan wax tarayn ayay ururiyaan, meel ayan degayna ayay dhisaan, aduunyo aanay gaarayna way ku fekeraan.] siduu Eebe quraankiisa ugu yiri, {iska dhaaf ha cuneen oo ha raaxaysteen waxaa mashquuliyey yididiilada ay ku jiraan goor dambe ayaay ogaan doonaan. ( al xijri 3)}. { ka waran haddan u raaxayno sanado ka bacdina uu u yimaado wixii aan u yaboohnay (geerida iyo cadaabaka), maalkii ay ku raaxaysanayeen waxba u tari maayo maalintaa.(Shucaraa 205-207)}.