Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Burcadii haysatay markabkii ukaraaiin oo codsatay 30 oo madaxfurasho ah

Saturday - September 27, 2008

Burcad badeeda haysata markabka hubka siday oo dalbatay $35-Milyan.


Hobyo, Axad, Sep 28, 2008 Xogta Online


Afdubayaasha haysta markabka laga leeyahay Ukrain ee hubka sida ee lagu afduubtay xeebaha Somalia ayaa dalbaday lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa $35-Milayn [35-Milyan oo Dollar].

Ruuxa u hadlay afdubayaasha oo lagu magacaabo Januune Cali Jaamac una waramay Saxaafada ayaa sheegay inay markabka iyagu gacanta ku hayaan ayna ka doonayaan madaxfurasho lacageed.

"Markabka waxaa saaran Taangiyo iyo hub kale oo fara badan, waxaana Captain-ka markabka uu markii hore naga qariyay halka ay ku socdaan, balse ugu dambeyn wuxuu noo xaqiijiyay inuu ku socdo dalka Kenya" ayuu yiri Januune.

Mar la weydiiyay inay arkayaan hubka Markabka saaran iyo in kale, ayuu yiri: "Waa loo jeedaa Taangiyada, balse hubka kale wuxuu ku jiraa Konteenaro, waxaana ku dadan shiraacyo waaweyn".

"Waxaan ka digaynaa in markabka xoog lagu furto, dalalka isku daya inay xoog ku furtaan markabka, waan ka hortagaynaa, iyaga ayaana ka mas'uul ah wixii markabka iyo qalabka saaran gaara" ayuu yiri Januune Cali Jaamac.

Mar la weydiiyay cida ay kala xaajoonayaan Markabka ayuu sheegay inay kala hadlayaan dalka Kenya, haddii ay is fahmaan oo lacagtooda loo ogolaadana ay sii daynayaan Markabka.

Januune ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay isku dayeen inay kala hadlaan sii daynta markabka, balse ay diideen, isagoo xusay in hadii aan la dhexgelin iyaga iyo cida ay la xaajoonayaan ay is fahimi karaan, hadii ay is-fahmi waayaana ay hubka qaarkiis la dagayaan.

"Ma aaminsanin inaan qaldanahay; mana nihin burcad, ee waxaan ilaalinaynaa badeena, markabkana waa ka daran yahay kuwii hore oo hub buu u sidaa dal aanu daris nahay" ayuu mar kale yiri Januune.

Januune Cali Jaamac; wuxuu sheegay in dalka iyo dadka Somaliyeed ay baabi'inayaan dad ajnabi ah, aysana ka yeelayn waxabaayaha ay dalka u geysanayaan.

Sidoo kale wuxuu xusay in badaha Somalia lagu aaso sun iyo waxyaabo kale, iyaguna ay ka ilaalinayaan, ayna tahay go'aan sax inay qabqabtaan maraakiibta ku soo xadgudba bada dheer ee Somalia.

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay inay u soo dirtay Somalia Markab dagaal oo gacan ka geysta badbaadinta markabka sida hubka iyo shaqaalaha la socda, iyadoo burcadbadeedu ay ilaalo xoogan ka hayaan Markabka.

Markabkan ayaa ku wajahan sida warar xog-ogaal ah ay sheegayaan xeebaha Hobyo iyo Xarardheere, iyadoo burcad badan ay ku qulqulayaan bada si ay garab u siiyaan kooxaha haysta Markabka hubka sida.
 
Xogta Online
 Contac Us: xogta