Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Warar Qubana Ah Oo Koo-kooban

Wednesday - October 1, 2008

Ameerika- dhawaan ayaa Nin Soomaali ah oo degan cariga Ameerika oo aan ka gaabsaneyno inaan magaciisa xusno ayaa biishan dhexdeeda guri qasri ah ka iibsaday dalka mareykanka meel ka mid ah, dabadeed sida u sheegay ninkaas gurigi waa isaga cararay marku u adkeysanwaayey sharqamo,cabaad iyo guux baas oo guriga ka dhex yeeraya, waxuuna xusay in guriga gaar ahaan qolka ay caruurta seexdaan ku arkay dhiig badan oo ku daadsan, taaso xaaskii iyo caruurtiiba ay qaadeen sas iyo sallal, dabadeedna ku kalliftay in gurigaas gabi ahaanba shirkadii guryaha dib ugu celiyaan,kuna wargaliyeen in guriga ay ku noolyihiin duulal arwaax loona baahanyahy in iyaga laga iibsho, waxa guriga qiimihiisa u ahaa hal malyan iyo laba boqol kun "1.200.000" $

 

Bulgaria- Sofia: Wargeysyada ka soo baxa dalka Bulgaariya ayaa maalmahaan si kala gaar ah u soo qorayey faaliso caan ka ah dalkaas Bulgaariya oo magaceeda la yirahdo "Fanga" oo sheegtay in dunida u ka dhicidoono dagaalkii sadexaad 2010 oo ummad badani ku halagmi-doonaan, waxayna tilmaantay in dagaalkaas ay marka hore ka horeyn-doonaan illa afar shakhsi oo caan ka ah dunida la dilidoono oo ay ku jiraan madaxweynayaal, waxayna intaa si raacisay in dagaalku ka bilaabmidoono cariga qaarada Asian sub-continent" Hindiya-Bakistaan-Bangaladash", sida la xusayana habartaas faalisada ah dadka reer Bulgaariya warkeeda dhab ayey u qaataan waana ku darsadaan ku-talagalka qorshahooda, maxaa yeelay sida ay tilmaameen haweyneydaas Fanga waxa looga bartay warkeeda inu dhaboobo, haba ugu dambeyso 11 september 2001 oo ay si saadaalisay in laba mataana ah oo ku yaala magaaladda New Yok ay burburindoonaan laba shimberood oo shabaxleeynaya kana sameysan biro.