Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Milkiilaha Kooxda " Chelsca" Oo Sameystay Markab Ku Gaashaaman Difaca Gantaalaha Iyo Gujisyada Quusa

Wednesday - October 8, 2008

London :" Mushkillada burcad-baddeedu ma aha mid kaliya ku eg dalka Somalia , balse waa mid adduunku ka siman yahay" Diane Byrne, tafatiraha wargeyska Power and Motoryach

Haddii aad nasiib u hesho maal lacageed oo dhan 11.7 billion pound, waxa laga yaabaa inay kugu dhalato dareen ah baahida aad u qabto inaad samaysato waxyaallo gaar ah oo difaac u noqda naftaada iyo qoyskaagaba.

Haddaba, mulkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovic, ayaa dhistay markab awood u leh inuu iska difaaco hubka culculus ee la isu adeegsado dagaalka, isla markaana markabka waxa ku rikiban qalab u sheegaya haddii ay jiraan burcad badeed ama argagixisada ku sugan badda.

Markabka, ayaa dhererkiisu gaadhayaa 550 ft, taas oo qiimaha ku kacay dhismaha markabku uu ka badan yahay lacag dhan 200 million pound, iyada oo markabkaasi uu noqonayo kii abid ugu waynaa ee si gaar ah uu qof u dhisto.