Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hanjabaada Burcada Markabka Oo Ka Dhigan : Dabagaale Aar Dilay Ma Aragteen

Saturday - October 11, 2008

Hobyo: War ay qortay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa baahisay in Kooxihi burcad badeeda ee afduubka ku heysta Markabka laga leeyahay dalka Ukrain, oo siday Shixnado hub ay ku hanjabeen in ay guud ahaan dab ku ololinayaan Markabkaasi hadii aan si deg deg ah lugu siin Lacagta ay dalbadeen.

Nin u haddlay kooxdaas oo sheegay inu Afhayeen u yahay Kooxahaas wax haysta oo la yiraahdo Cali Sugule ayaa sheegay in ay shalay galab qaateen kulan socdey saacado oo ay uga hadlayeen xaalada Markabkan & talaabada ay ka qaadayaan, isagoo sheegay in ay isku afgarteen in la gubo Markabkan hadii aan mudo dhan sadex maalmood gudahood aan lugu bixin lacagta laga doonayo Markabkan.