Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Maxamed Dheere " Diida Ama Ha Diidina Nuur Cade Daab Al-Shabaab Ayaa Ku Jura

Tuesday - October 14, 2008

Muqdisho: Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maamulkii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa ka dhawaajiyey in Nuur Cadde uu xiriir wada shaqeyneyd la leeyahay koox diimeedka Al-shabaab oo u dhagrayo dawlada u madaxda u yahay. 


Maxamed Dheere oo u waramayey warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya Al-shabaab iyo Nuur Cadde uu yahay mid muuqda oo aan qarsooneyn oo dareen iyo xog fiican laga hayo, waxaana waxyaabaha daliisha noqonkara ka mid ah lama duqeeyo marka uu garoonka ka soo dagayo oo si nabad ah ayuu garoonka uga soo dagaa ugana duulaa, ayu Maxamad Dheere warkiisa raaciyey