Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Shirkad Security Oo Dooneysa Iney Qandaraas Ku Qaadato Xeebaha Somaaliya Iyo Gen. Axmed Taajir oo...

Sunday - October 19, 2008

Washintoon : Shirkad qaadata qandaraasyada dhanka ammaanka oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka laguna magacaabo “BLACK WATERS” ayaa shaaca ka qaadey inay diyaar u tahay inay qaadato qandaraasyada ilaalinta maraakiibta isaga goosaheysa gacanka cadmeed ee ay afduubtaan burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta xeebaha ka baxsan xuduuda Soomaaliya.

Bayaan ay Black Waters ka soo saartey magaalada Washington waxay sheegeen in sharikadaha   iyo mulkiilayaasha iska leh maraakiibta ka shaqeysa biyaha gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya ay u heyso maraakiib dagaal iyo shaqaale dhinaca ammaanka oo u tababaran ka hortaga burcad badeeda marka ay weerarayaan maraakiibta, haddii ay u baahdaana ay ka kireyneyso.