Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Markabka Xambaarsan Kaarayaasha Iyo Biriigaanada Culus Ee Ku Afduuban Xeebaha Som. Iyo Israaiil

Sunday - October 26, 2008

Jeurasalam : Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan Magaalada Jeurasalam ee dalka Israel ayaa sheegaaya in Markabka MV Faina ee sida kaarayaasha iyo biriigaanada culculus ee kuna afduuban xeebaha ceel-Huur ee Gobolka Mudug (Somalia) uu iska leeyahay Ganacsade Yuhuudi ahi.

Markabka oo la saadaalinaayo in dhawaan la sii daayo ayaa waxa la sheegay in ay leedahay Sherkadda la yidhaahdo "Tomax Team Inc" oo ka hawlgasha dalka Ukrain, Shaqaalaha saaran ee ka shaqaynaaya Markabka ayaa u dhashay dalka Ukrain & Latvia.

Xogtan la helay ee ku saabsan lahaanshaha Markabka iyo Shixnada saaran ayaa tilmaamaysa in Markabkaan oo manifestada uu wado ay ku qoran tahay “GOSS” macneeheeduna yahay (Government Of South Sudan), taasoo caddeynaysa in hubkaas ay iska leedahay Dawlad Goboleedka Konfurta Sudan, waxaana la sheegay in sirdoonka Yuhuudu ay qandaraas ku siiyeen Ganacsade Yuhuudi ah oo la yidhaahdo Vadim Alperin kaas oo ka iibsaday Markabka dalka Ruusha xiligii uu talada hayey Madaxweynihii Mr.Boris Yelsin, iyada oo Markabkii lagu diiwaan geliyay Belize Flag, Ganacsadahan ayaa waliba leh tiro Maraakiib oo ah nooca Guur-guura ee Dushooda lagu Khamaaro ee loo yaqano "Casinos", kuwaas oo inta badan laga helo dalalka Khaliija. Tijaarta Carabta ee Khamaarkaa sida ba'an u ciyaarta ayaa Macmiil joogta ah u ah Maraakiibtaa.