Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame " Hadraawi" Oo Socdaalkiisi Nabada Ku Soo Gaaray Waqooyiga Ameerika

Monday - October 27, 2008

Toronto- Warar naga soo gaaray ilo lagu kalsoonyahay oo ku dhow dhow gudiga qabanqaabada Nabadaynta Soomaaliya ee uu hogaaminayo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maalmahaan socdaal ku maraayey cariga Kanada gaar ahaan magaaladda Torono, ayaa sheegaya in abwaanku aad uga howlgalay sidii uu isugu soo jiidi lahaa kooxaha mayalka adag ee ku hardamaya siyaasadda Soomaaliya oo saamayn weyn ku leh deganaanshaha Mandaqadda geeska Afrika.

Sida warku sheegayo mudane Hadraawi waxuu socdaalkiisa la xariira inu soomaalida qurbaha ku nool u gudbiyo fikirkiisa nabad raadinta una jecelyahay ummadda kala sadcaashay inu isu keeno  mirana ka dhaliyo, sida la tilmaameyna waxuu fariimo iyo wadahadal la yeeshay  Kooxaha ay ka mid yihiin Ururka Al-Shabaab ee uu Hogaamiyo Roobow Abu- Mansuur , iyo labada garab ee ay u kala jabeen Maxaakiimtii Islaamiga oo qaarna fadhigoodu yahay Asmara kuwa kalena ay ku sugan yihiin Djibouti.


Wararku waxay intaa ku darayaan in Abwanku sido kale ka qayb galay kulamo googoos ah oo is daba jooga u kulmiyay wakiillada kooxahaas Islaamiyiinta ah u fadhiya Qaaradaha Yurub iyo Woqooyiga Amerika iyo weliba xubna ka kala yimid dalalka Djibouti, Eritria iyo Qatar. Kulamadaas oo qaaarkood ay ku dhaceen habka Teleconference-ka, waxa kalo jira qaaraan ururin (Fundraising) ay gacan ka gaysteen dhammaan inta jecel Midnimada Soomaaliyeed.