Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Mucjisadi Ciyaartoyada Arjantiina Maradona Oo Laga Dhigay Tababaraha Xulka Arjantiina

Wednesday - October 29, 2008

Argentine: Mucjisada kubbada cagta iyo kooxda k/cakta Napoli iyo xulka Argentine Diego Armando Maradona ayaa loo magacaabay in uu noqdo tababaraha xulka k/cakta dalka Argentine kadib markii ay sidaas ku dhawaaqeen xiriirka k/cakta dalkaasi ee AFA.

Xiriirka k/cakta dalka Argentine ayaa maalmahanba baadi goob ugu jiray sidi ay u heli lahaayeen nin bedela macallinki hore ee xulka dalkaasi Alfio Basile kaasoo xulka iska dhiibay marki uu ku guuldareystay in uu meel wanaagsan ka gaaro ciyaaraha is reeb reebka koobka Aduunka ee 2010.

Madaxa xiriirka k/cakta dalka Argentine Julio Grondona, ayaa laga soo xigtay isaga oo dhahaya saacadaha soo socda waxaan ku kulmeeynaa inaga iyo Maradona xarunta xiriirka ee magaalada Buenos Aires si aan shir jaraa,id ugu wada qabano.