Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Yaa Ka Dambeeyn-kara Qaraxyadii Ka Dhacay Hargeysa Iyo Bosaaso

Saturday - November 1, 2008

Ugu horayn shabakadaan Galdogob Times waxay halkan ka tacsideyneysaa shacabkii ku geeriyoodey dhammaan intii ku nafweyday qaraxii ka dhacay caasimadda Hargeysa iyo bosaaso iyo mujtamaci bulshooyinka ay ka soo jeedaan, inta dhaawaca ahna ilaahay uu shaafiyo - aamiin.

waxaa jirta murti tiraahda "hashu maankayga gadaye ma masaar bay liqday", waxa anfariir iyo fajiciso inagu noqotay xaalka hadda taagan ee sida weyn mujtamac ahaan iyo ummad ahaanba inoo saameeyey.

Hadaba akhristow in badan ayaan rog rognay oo dhan walba ka eegnay sababta ka dambaysa qaraxyadan waxaanaan ka dul qaadi weeyeyney sida aan hoos ku sharaxi-doono.

Waxaa jira wax loo yaqaano (Hypnosis) oo sharaxaad ahaan noqonaysa (a condition that can be artificially induced in people, in which they can respond to questions and are very susceptible to suggestions from the hypnotist), ama Somali ahaan hadii aan u tarjumo "xaalad si aan caadi ahayn loogu duufsado dadka, taasoo ay u nuglaadaan suÂ’aalaha ama fikradaha loo soo jeediyo inay tixgeliyaan khaasatan kuwa kaga imanaya qofka samaynaya Hypnosis-ka".