Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dhallinyaro Soomaali Oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Kuala Lumpur Xili Ay Doonayeen Iney......

Saturday - November 1, 2008

Kuala Lumpur: Wararka ka imaanaya Magaalada Kuala Lampur ee dalka Malaysia ayaa sheegaya in garoonaka lagu xiray muhaajiriin Soomaaliyeed xili ay doonayeen in ay ka duulaan garoonka ayaga oo ku sii jeeday wadanka Indonesia ee jaarka la ah dalkaasi Malaysia.

Muhaajiriintaan ayaa dooneyey iney safar dhanka hawada ku galaan dalka Indonesia ayaa sedex ka mid ah lagu qabtay garoonka xili ay duulayeen kadib markii lagu ogaaday in ay wateen fiisooyin been abuur ah oo dalkaasi Malaysia ah ayna ka dhacsanayeen fiisooyinkii ay dalkaasi ku soo galeen.

Ka gadaal markii baaritaano ay ku sameeyeen booliska sedexdaan muhaajiriin ayaa markii dambe waxaa la soo daayey labo ka mid ah oo loo saamaxay iney gudaha u galaan dalka ayna ku sugnaadaan, balse ruuxa sedexaad oo sida la sheegay ah haweeney ayaa waxaa loo taxaabay xabsi oo aan la shaacin halka uu ku yaalo mana laga war hayo warkeeda halka uu ku dambeeyo, walow ay jiraan warar sheegaya in loo jarayo ticket Soomaaliya ah kadib markii ay waqti ku qaadato gudaha xabsiga lagana dajindoono dalka soomaaliya in kasta oo an warkaa si fiican loo xaqiijin .