Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Warar Qubane Ah Oo Koo-Kooban

Sunday - November 2, 2008

Nairobo: Ra’iisal Wasaaraha IToobiya Meles Zanawi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maalintii shalay ahayd waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxayna labada dhinaca kulankooda iskula soo qaadeen arimo badan oo ay ugu horaysay xaalada Soomaaliya.

Wakaalada Wararka Itoobiya ee ENA oo soo xigatay mas’uul sare oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in labada dhinac inta badan kulankooda diirada lagu saaray xaalada Soomaaliya ka jirta iyo sidoo kale sidi loo taageeri lahaa DFKMG ah.

Sidoo kale waxa ay Wakaalada ENA sheegtay in kulanka dhinaca kale lagu eegay dadaalada nabad raadinta ah ee uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmed Wald Cabdalla uu ka dhex wado  DFKMG ah ee la shaqeysa dowladda itooobiya iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka waxayna sheegeen waa Meles iyo  Godoomiyehee in ay garab taagan yihiin waxa  ka soo baxa dadaaladaas.

Sidoo kale waxa ay Malis iyo Godoomiyaha Baarlamaanka EU ka wada hadleen ka soo bixida ay ciidamada Itoobiya ay ka soo baxayaan Soomaaliya waxayna Wakaaladu sheegtay in Meles balan qaaday in ay ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ay kala soo bixi doonaan sida ugu macquulsan.

Ugu dambeyntii, Meles ayaa inta badan badan sheegay in ay ciidamadooda  ku sugan gudaha Soomaaliya ay ula soo bixi doonaan si dhaqso ah waxaana marar badan is hor imaaday hadalo uu ku hadlay Meles oo la xiriira bixintaanka ciidamadiisa ku sugan gudaha Soomaaliya.

                   --------------------------------------------------------------------

Masar-Qaahira:

 Byaan ka soo baxay dowladda Masar ayaa lagu sheegay in ay baaq u dirtay dowladaha carabta ku dhararsan badda Cas in ay ka soo geyb-galaan kulan muhiim oo looga hadlaayo kooxaha burcad badeedka soomaaliyeed ee sida ba'an maraakiibta ganacsiga iyo kuwa dalxiiska ah ka qafaasha badda casa iyo guud ahaan biyaha Soomaaliya.

Kulankaani ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar dhexbartamaha bishaan, waxaa looga hadli doonaa sida ay wadamada carabta wax ugu qaban-lahaayeen iyo sidii ay u sameyn lahaayeeyn is kashi caalami ah oo wax looga qabto burcad badeedka si ba'an u qafaasha maraakiibta isaga gooshta gacanka cadmeed iyo kuwa mara xeebaha Soomaaliya.

Kulankaani ayaa waxaa garwadeen ka noqon doonaan wadamada Masar iyo Yemen waxayna aad u daneynayaan in aay iska kaa shan-doonaan sidii ay uladagaalami-lahaayeen burcad badeedka Soomaaliyeed ee sida xoogan u qafasha maraakiibta.

Kooxa burcad badeedka soomaaliyeed ayaa sanadkaani 2008-da kali ku afduubtay biyaha Soomaaliya iyo badda Cas maraakiib gaareysa 77 markab oo qaarkood ay ka qaateen madaxfurasho lacageed.

Kooxaha shufta badeedka waxa ay sii daayeen horaantii bishii tagtey markab laga lahaa wadanka Masar iyo 25-shaqaale ah oo in mudo ah u afduubnaa,hadalka ka soo baxay dowladda masar ayaa waxa ay si kulul u beenisay in aya markabkaasi ay madax fura sho ka dhiibeen.

                    -----------------------------------------------------------------------------------------------

Australia:

Dowlada Australia ayaa muwaadiinta dalkeeda u dhashay uga digtay in ay Soomaaliya u socdaalaan waxyana dhanka kale kuwo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ugu baaqday in ay uga soo baxaan si deg deg ah, wuxuuna baaqan yimid kadib markii Arbacadii la soo dhaafay ay magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah.

Warkan oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Australia ayaa lagu sheegay in ka dowlad ahaan ay muwaadiniintoodu uga baqayaan in ay wax ku noqdaan qaraxyada ka dhacay Hargeysa iyo Boosaaso ama ay ku waxyeloobaan falalka noocaas oo kale ah ee mustaqbalka dhow iyo kan fogba la filan karo.

Wasaarada ayaa sidoo kale mamnuucid ku soo rogtay dadka sita Passporka dalkooda in ay u socdaalaan dhamaan wadamada Geeska Afrika kuwaas oo ay Wasaaradu ku sheegtay in xaaladooda amaan aan laysku haleyn karin.

Sikastaba ha`ahaatee, waxa ay Wasaarada digniin adag u jeedisay dadka dalkeeda u dhashay ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya kuwaas oo ku sheegtay in ay halis u yihiin qaraxyada ka socda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka bilowday dhamaadkii isbuucii tagay Hargeysa iyo Boosaaso oo hoos yimaada maamulada Somaliland iyo Puntland.

                                  -------------------------------------------------------------------------------------