Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

" Mr.Brown Waxuu Doonaya Lo' U Lacag Ka Listo" Sidaas Waxay Ka Soo Yeertay Ganacsato Reer Khalij AH

Monday - November 3, 2008

Gacanka Carbeed : Ra’iisul wasaare Gordon Brown,ayaa dalalka carabta u yimid siduu uga codsan-lahaa inay gacan ka gaystaan dhaqaalaha loo aruurinayo, dalalka dhaqaalahood hoosta u sii dhacayo, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqaalaha aduunka ee hoos u sii socda,

Mr.Brown oo hadalkii sii wata ayaa tilmaamay in loo baahanyahay dhaqaale deg deg ah oo wax loogu qabanayo dalalka warshadaha caalamka suuqyadoodu ka sii baxayaan isagoo sheegay in loo baahanyahay dhaqaale gaaraya $30billion, si dhaqso wax loogu qabto dalalka Iceland, Hungry iyo Ukrain, kuwaasoo uu sheegay inay u baahanyihiin in deg deg loogu gurmado.

Sikastaba ha`ahaatee, codsiga Brown ayaa la sheegay in la hordhigay ganacsato carbeed,ayadoona la sheegayo inay ku rajaweynyahay inuu dhaqaalahaas ka helo ganacsatada carbeed oo haatan dhaqaalahoodu uu yahay mid aad u wanaagsan.