Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Fariinta udub-dhexaadka Mr. Obama Waxay Ahayd " Isbedal" Taaso aduunka Ay So Dhaweyeen

Wednesday - November 5, 2008

Baracka Obama ayaa loo doortay Madaxweynaha afarta Sanno ee socota xukumi doona dalka Maraykanka, ka dib markii uu ka guuleystay musharrixii Xisga Jamhuuriga, Sen. John McCain, oo jagadaasi kula loollamayey.

Obama oo noqonaya Madaxweynihii 44-aad ee dalka Maraykanka, waxa uu si weyn uga guuleystay McCain, waxana guushiisa soo dhaweeyey badiba dawladaha dunida oo ku tilmaamay masuul qaran.

“Haddii uu wali jiro qof ka shakisan in America ay tahay meel ay wax walba suurta gal ka yihiin, qofkaas oo wali is weydiinaya in himilooyinkii aabbayaasha Mareykanku ay wali nool yihiin iyo inkale, walibana su'aal ka qaba awoodda Dimoqraadiyaddeena, caawa ayaa jawaab uu ah." ayuu kaga akhriyey Obama Goobti xafladda Guusha.

Hadalladaas uu xalay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Barack Xuseen Obama, u jeediyey boqollaal kun oo qof oo Mareykan ah, iyo malaayiin ka daawaneysay shaashadaha taleefishinada, waxay soo koobayaan baaxadda guusha uu Mr. Obama soo xasiliyey, laba sano kaddib markii uu madax-madax isugu tuuray ololaha doorashada, isagoo aan sidaas-ba looga aqoon dhulweynaha Mareykanka, isla markaana ka aragti iyo ujeeddo duwan dadkii hore isu soo sharrixi jiray.

Farriinta udub-dhexaadka u aheyd ololaha Mr. Obama waxay aheyd "Isbeddel," kaas oo muwaadiniinta Mareykanku ay si weyn u soo dhaweeyeen, kaddib siddeed sano oo Xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne Bush ay dalka ku hoggaamiyeen laba dagaal oo naf iyo maal-ba lagu beelay, iyadoo waliba dhaqaalihiina uu bohol kusii dhacayo.

Dadka gorfeeya siyaasadda Mareykanka ayaa isku raacsan in jawaabtii uu Mr. Obama ka bixiyey isku dhex yaaca seyladaha dhaqaalaha, ay shaki la'aan dhidibbada u aastay guushiisa.

Obama wuxuu xammaasad aan hore loo arag ku beeray dadka dhallinyarada ah ee Mareykanka, iyo kuwa laga tirada badan yahay, kooxahaas oo caadi ahaan aan daneynin doorashooyinka, balse codadkooda ku kaabay guushiisa.