Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta " Saxaabigi Cabdiraxmaan Ibnu Cowf RC"

Friday - November 7, 2008

Saxaabigani sida uu ku caan baxay waa mid ka mida ah sideedii saxaabi ee ugu horeeyay ee Nabiga (NNKH) rumeeyay waxaa kale uu ka mid noqday tobankii uu nabiga janada ugu Bishaareeyay, sidoo kale waa mid ka mid ah lixdii saxaabi ee uu cumar ibnu qadaab uu Amray ineey mid iyaga kamida khilaafada u doortaan. Waxaa kaloo uu ka mid ahaa kuwii wax laga weydiin jiray nabiga oo nool arimaha diinta, Waxaa kale oo uu kamid ahaa labadii saxaabi ee kaliya ee uu nabigu ku daba tukaday Iyaguna imaam u noqday.

Magaciisu wuxuu ahaa islaamka ka hor (Cabdi camru) markii uu islaamay ayuu nebigu (NNKH) uu u bixiyay cabdi raxmaan, saxaabigani wuxuu islaamay ka hor intii aanu Nabiga galin (Daar al-arqam) wuxuuna la kulmay dhibaatooyin badan oo loogu geystay jidka alle sidii ay ula kulmeen muslimiin badaniba, dhamaantodna weey Samreen oo ay ku sugnaadeen jidka alle.