Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Maxaa Ku Duugan Kalmadaha " Qiila-Wa-Qaala Iyo Waxaa La Yiri "

Friday - November 7, 2008

Inkasta oo bulshadeenu dhaqan u leedahay jeclaanta, u jajabnaanta iyo u heelanaanta faafinta iyo is-gaarsiinta arrimaha markaa ku cusub ee ku soo biira mandiqadaas ay ku noolyihiin, ayaa intooda badani waxa ay wax ku gudbiyaan hab-oraaheed ku salaysan sheeko-wadaagis. Taas oo qof kastaaba sida uu doono uu xogtaa uu helay u soo bandhigo. Waxaana xog-tebiyuhu adeegsadaa tubta ah 'waxaa la yiri" si uu u gudbiyo macluumaadka uu hayo.

Kolka si mug leh loogu dhaadhaco ee loogu kuur-galo ulajeeda dhabta ah ee ka dambaysa oraahdaas, waxa ay ku soo uruuraysaa gudbinta iyo faafitan hadalada aan salka iyo raadka toona lahayn ee ku tiri-ku-teenta ah, waxaana kaalmeeya oo door-weyn ka qaata horumarka oraahdaas qaab-dhismeedka nololeed iyo hab-weelaynta xogaha iyo dhacdooyinka ee bulshadeena oo ku salaysan nidaamka nololeed ee loo yaqaano "Oral society" oo ka dhigan bulsho wax-gudbinteeda iyo werinteeduba ku qotonto sheeko iyo hadal. Taas oo nusqaan xun ku haysa dhawrsanaanta, amaanka sirta Ummada.

Run ahaantiina, waxaa ayaan darro ah, bulsho dhan oo in yar mooyaane ku dhaqmaysa hab-dhaqankaa fool-xumada ah, oo iskula dhex-wareegaysa uun "maxaa la yiri?…waxaa la yiri…waxaa la sheegay." Iyo qaar kale oo badan, xaqiiqdii marka aad loogu fiirsado oraahahaas qofka caqliyaga lihi ee illaahay cilmiga siiyay ee fikirayaa, waxa uu ogaanaayaa hab-dhaqankaasi in uu yahay mid aad iyo aad u qaladan oo fool-xumo badani ku dheehan tahay, loona baahan yahay in laga gudbo.