Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Taariikhda Xaaska Madaxweyne Barack Obama

Saturday - November 8, 2008

Chicago :Mishell Obama magaceeda  rasmiga ah waxaa la yiraahdaa Mishell Robinson waxayna dhalatay taariiqda markii ay ahayd  January 17keedii sanadkii 1964 iyadoo ku dhalatay magaalada   Chicago ee gobolka Illinoy.

Saygeeda hadda ay u dhaxdo waxaa isna lagu magacabaa Barack Xusen obama,Waxuuna hadda noqday Madaxwaynihii ugu horeeyey ee afrikan-American ah ee qabta xilka madaxtinimada wadanka Maraykanka .

Mishell iyo Obama waxa ay is barteen sanadii 1989 iyadoo ka shaqeenaysay hay,ad dhinaca sharciga qaabilsan waxana loo xil saaray inay noqoto doorka dhinaca la talinta.

Madaxwayne Barak aya isagu sheegay in waqtigaa wax xiisa ah oo sidaa u wayn uusan u hayn la shaqeenta hay,adaas sharciga qaabilsaneed, balse uu si aad ah u daneynaayey inuu helo Mishel Robinson.

Mishellna waxa ay dhinaceeda ka tiri " waxaan  ku jeclaaday Obama garashada iyo wanagiisa oo ay dad badan ku xushmayn jireen iyo isagoo dadka si aad ah u xariirin jiray oo ahaa nin bulshaawi ah" barasho ka dib,Madaxwayne Barack ayaa gacalisadisa ka codsaday in ay raacdo muddo bil ah lakiin taa waa ay  ka diiday balse waxa ay ka ogolaatay in ay la casheeso hal habeen filina la daawato iyadoo arintan ay ahayd  wixii ugu horeeyey oo ay lamaanayaashan wadaagaan.