Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Dawlada Masaarida oo Dooneysa Iney Gogol Nabadeed U Fidiso Dawlada Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda

Tuesday - Feb 26, 2008

Mogdisho-Qaahira ( Galdogob Times)

Dawlada Masaarida aya marar badan si rasmi ahayn u soo  hadal qaaday iney wada hadal u furto dawlada soomaaliya iyo mucaaradka ka soo horjeeda, waxayna diplomaasiyad hoose kula soo xariirtay safiirka soomaalida mudane cabdulaahi xasan ee u jooga jaamacada carabta magaalada qaahira . diplomaasi masaari ah oo isagu si gaar ah u daneynayey wada hadalkaas aya u soo jeediyey safiirka mabda' ahaan in la furo wada hadal labada dhinac oo masaarida ay gogosha fidiso. talana ku siyey inu madaxdiisa fikradaas ka soo dhaadhicyo kana soo dhameeyo.