Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Mas'uuliyiinta ugu sareysa DF oo gaaray Baydhaba.

Wednesday - Feb 27, 2008

Aroornimadii saaka ayay magaalada Muqdisho ka duuleen saddex mas'uul ee ugu sareysa Dowlada KMG ah kuwaaso gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.

Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku wada sugnaa magaalada Muqdisho oo ay ku shirsanaayeen.