Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Xildhibaan Seeraar "Ciidamada DF ee Bakaaraha galay waa tuugo dhacay hantida Shacabka"

Wednesday - Feb 27, 2008

Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraaar oo ka tirsan Barlamaanka Somalia horeyna u ahaa Hogaamiye ka arrimin jiray gobolada Jubbooyinka ayaa maanta ka hadlay xaalada suuqa Bakaaraha.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Dowlada KMG ah ee suuqa Bakaaraha maalmihii lasoo dhaafay howl-galada ka waday inay yihiin burcad doonaya inay dhacaan hantida shacabka sida uu yiri.