Caalim Shiikh Shuceyb Oo U Garnaqay Nin Iyo Naftiisa PDF E-mail
Friday, 27 August 2010

Waxaan deg deg jeer ku liqay, maxay shishe ii damqeen
kashayda dalooshadeen, muxuu hadba shay daligan
dareensigu soo tuf yiri ... xikmad Hadraawi.

Nafteyda ma kala maaranno, mana kala maqnaanno, la'aanteed xarako iyo dhaq dhaqaaq toona ma lahaadeen, kamana duwanaadeen dhagax meel yaal oo ay taabasho iyo tuujiniba iskugu mid tahay. Iyana la'aantay waxba inaanay u hir galeen uun baan filayaa inkasta oo aan jeclaan lahaa inay iyana qeexdo waxaanu isku nahay.
Akhriste haddii aanu isku nahay arrimaha kor ku xusan oo idil, haddana mar walba waannu murannaa,waanu is haysannaa,waanu doodnaa, waa noo hadal iyo hugun joogto ah,

Soomaaliduna waxay tiraahdaa "hadal gu,i waayay waa lagu go'aa". Taasina waa ta keentay inaan kaa dalbado inaad noo gar naqdo aniga iyo NAFTAYDA. Waan kula dareensanahay inaad la yaabi doonto lana amakaagi doonto dalabkaygan isna waydiin doonto ninkani siduu yahay miyuu waalan yahay, waase mid aad ku saxan tahay oo meesha ku jirta waayo waxaa kaa bad batay is haysashada laba qof, laba qabiil, laba qaran,laba quwadood. Waxa kale oo aan ugub ama cusayb kugu ahayn dhex-dhexaadinta, xallinta ama ka garniqidda waxa ay isku hayaan. Haddase waxaan rabaa inaan ku hor keeno qof isagu is haysta! rabana in la ogaado waxa ay isku haystaan isaga iyo naftiisa ka dibna laga gar naqo. 
Akhriste ugu horayn ogsoonow inaannu isku haysanno ka hadalka iyo gorfaynta wixii aanu ka maarsan wayno, una aragno inay dheefi noogu jirto if iyo aakhiraba. Waxaadse ogsoonaataa inaanu jirin qawl aanu isku raacsanahay oo aanu isla qirsanahay wanaaggiisa iyo waxyeeladiisa.Waliba adduunyo ha ii dabranaatee waxaanu sii kala daaq tagnaa marka arrimuhu aakhiro iyo u halgankeed joogaan.

Akhriste inaan wax kuu hadoodilo waxaan ka door bidayaa inaan wax walba intii itaalkay dharaarta ka cadeeyo, adna maaddaama aad tahay garsoore taasaa kuu wanaagsan kuuna sahlan, waxa kale oo aan kaa codsanayaa gefba haygu ahaatee maadaama garuhu badan yihiin in gartaydu noqoto GAR SOKEEYE, illayn waa aniga iyo naftaydiiye.hadda ayaan kuu soo qaddimayaa qodobada.

Ugu horayn nafteyda waxay u heelan tahay helitaanka adduun tiro badan oo ay baahiyaheeda ka sakow, dalkeeda, dadkeeda iyo diinteeda wax ugu qabato. Mase hayso dariiqii ama dawgii loo mari lahaa, mana laha dedaalkii adduunkan faraha badan lagu gaari lahaa. Waxay ku yididdiilootaa gelitaanka jannada, waxayse ka war wareegtaa samaynta acmaashii lagu kasban laha nimcada. Ogsoonow maah maah baa waxay tiraahdaa "Saddex Alle waa awoodaa mase yeelo":
Allaw shaqaysan maayee xoolo i sii
Allaw cibaadaysan maayee janno i gali
iyo allaw guursan maayee ubad i sii.
Waxay ku hammidaa noqoshada aqoon yahan, aqoontiisa lagu soo hirto eraygiisana lagu wada majeerto, waxayse igula talisaa sag saagga goobaha waxbarashada, xaadir la,aanta madalaha aqoonta iyo ka fogaanshaha buugga iyo qalinka oo ay wax dhib badan u aragto. haddaba ma waxyi baa igu soo degaya, mustaxiil. Waxay si dhaba u neceb tahay dhibta, leel leelka, iyo luuf luufka nolosha kumase talo jirto wixii lagu gaari lahaa baraarahaa iyo barwaaqadaa oo ah samir, dulqaad iyo dedaal. Maah maah baana tiraahdaaa "samraa sedkii ma waayo".
Waxay jeceshahay u hogaansanka amarradeeda iyo duub duub ku liqidda wax kasta oo ay soo jeediso, bal waxa ay soo jeedinayso hadday wanaag yihiin ma ciil baaban qabi lahaa saw iskama qaateen, wanaagba waa ku yar yahay, haa waa ku yar yahay waayo wanaagga waa ku balalootaa xumahase waa ku barartaa, xalaasha waa ku shaashawdaa xaaraantase waa ku shifowdaa, wax bixinta waa ku caatawdaa, gacan adaygase waa ku cayishaa, guurku waa ku culus yahay gaabsiguse waa u fudud yahay, aar goosiga waa igu dhiiri galisaa cafiska iyo tasaamuxase waa iga hor istaagtaa. Had iyo goor waxay jeceshahay ka hadalka iyo galitaanka wax aan danteeda diinteeda iyo dadnimadeedu ku jirin, hadhawna ilamada ayay qubtaa aniga ayaanay dib ii canaanataa .
Badanaa inta firkad ay ii soo bandhigtay aan ku raacay dabadeedna qoomamo iyo ciil aan kala kulmay badsadayna dhegaysiga heesta Sahra Axmed sida daran ugu luuqayso ee ay miraheeda ka mid yihiin "cawo daran naftaydaay, car caraaf i galisee, sideen caawa yeelaa" markanse muxuu calaacal qabanayaa, waxase ka sii daran kama ilbaxo dibin daabyooyinkeeda joogtada ah waxana iigu wacan malaha nacasnimo .
Marar doora waxaan isku deyay inaan maxkamad caalami ah la tiigsado waxayse igu qancisay gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa ee yaan arrinkeenu ina dhaafin saddexdeenna. haa saddex-deenna oo waa ayo ciddan saddexaad akhriste, waa cid nagu lammaan nagu laran oo mar walba hawlahayaga taako taako ula socota, mar walba oo aannu is qabano waa cida aanu u soo bandhigno is haysashadayada. Gorfayn iyo falanqayn ka dibna ku dhawaaqda kaayagii garta helay iyo ka laga helay, hadaba waa yaabe mar walba anaa garta la iga helaa.
Anna anoo maanka iyo maskaxda ku haya gar diid waa Alle diid iyo gar dabadeed gunuunucaan nacay ayaan haye iyo ku qancay ku qaataa.
Dhab ahaanse waxay igu ahayd arrin igu adag, arrin gocashadeedu sina ii dayn weyday arrin iga degi wayday,Waxaan isku taxallujiyay ogaanshaha ciddan gartayda gacan togaalaynaysa xataa haddii laaluush la siinayo darteed ay waxan u samaynayso inaan bixiyo ayaan go'aansaday illayn sidani waa qiyaamahaagiiye.
Galab galbaha adduun ka mida ayuun baan dad meel kafe laga cabo internet kambuutar leh ku xoonsan sidii shinnida ku soo baxay .. ka hor intii aanan gaarin goobta internitka su'aalo doora oo badi ku saabsan waxa dadka meesha iskugu keenay ayaan isa sii waydiiyay. In ay wax uun iskugu yimaaddeen ayaan shaki la'aan isku qanciyay ,waxaanse niyada ka jamtay in waxaas ay iskugu yimaadeen ay noqoto arrintan aan u maarada la'ayahay dabadeedna si wada jir ah ugu hawl galno xal u heliddeeda.

Goor iyo goob ii roon baan galay websit-ka Galdogob Times shaw bogiisa maalinta jimcaha meesha caalim baa dadka waano iyo wacdi wixii alle baray ka haqab tiraya oo wax kale kuma garatide sidii gud gude iskaga maax dumaya ..Wuxuu jimca ka jimca wacdi wadaba wuxuu kolba nin ay ka cakiran tahay u furdaamiyaba wuxuu kolba nin daweeyaba, waxaan uurka kolba iska iri sheekh anaa haray, nasiib wanaag wacdigi jimca dambe ayuu shiikhi mar qura ayuu ka dhawaajiyay in qofka iyo nafta shayga saddexaad ee ku laran ee waliba nafta la rafiiqa ahi uu yahay shaydaan shaydaan! weliba ay heshiis ku yihiin samaynta wixii aan alle iyo nebigiisu NNkh raali ka ahayn.

Intaa ka dib waxaan is lahaa kol haddaad qorigeedii qabatay way qanci, laakiin dood hor leh baabay haddana isla soo mutaxday. Haddaba akhriste ma anaa ku gefsan naftayda mise iyadaa iga khaldan? Go'aanka adigaa leh, guddoonkana anigaa leh .

 
Xusuusta Qabriga Iyo Aakhiro, By Saeed Omar PDF E-mail
Sunday, 22 August 2010

Hadii dunida lagu waaraya nabi mohamed NNKH aya loo deen laha ruuxada macan

Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.
Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri: ‘Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: ‘soo gal Bilaal’, waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.

Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri ‘Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso’ Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri ‘ Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?’ waxay tiri Faadumo ‘Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen’. Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: ‘Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro’.
Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: ‘Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo’.
Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: ‘Assalamu calaykum ma soo galaa?’ Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: ‘Ninyahow rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa’! !
Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka NNKH ayaa Faaduma ku yiri: ‘Ma garanaysaa ninka?’. Faaduma waxay tiri: ‘ Maya’ rasuulku wuxuu yiri: ‘waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt’ .
Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: ‘ masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go’ayaa wax’yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.
Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)’ wuxuu kaloo rasuulku yiri:’ malakul’mowdow soo gal’ wuuna soo galay malakul’mowt, wuxuuna yiri. ‘Assalamu calayka yaa rasuullulaah’ rasuulkuna wuxuu yiri ‘wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?’. Malakul-mowt wuxuu yiri: ‘waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: ‘malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:’waxaan uga soo tagay samada adduunyada’, isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: ‘miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:’waan ogahay rasuulkii Illaahayow’. Rasuulku wuxuu yiri: ‘ iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)’.
Malakul-jibriil wuxuu yiri: ‘albaabada samada waa la wada furay, malaa’igtii Illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay’. Rasuulku wuxuu yiri: ‘iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?’. Malakul-jibriil wuxuu yiri: ‘waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha Illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan’.Rasuulkuna wuxuu yiri: ‘hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii’.
Rasuulku wuxuu yiri: ‘malakul-mowdow ii soo dhowow’. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu yiri: ‘maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka’, wuxuu kaloo yiri: ‘malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?’. Malakul-jibriil wuxuu yiri ‘ Illaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya’ . Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: ‘ Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.
Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:
Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa’isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha NNKH.

walaalayaaal Badiya dirista fariintan si aan isku xusuusino mowdka
asc wr wb aqii kariim waxaadna wadataa magacii rasulka csw oo qiimaha iyo qaayaha badnaa barakalaah fiikum Umatu Moxammed scw.

Waxaa Balan inoo ah Janada Insha Allah inaan noqono Nabiga Miciisa.

fadlan faafi before intadan close gareen warqada ... thanks By Alle ka baqe

 
Qiisadi Taariikheed Asxaabigii Weynaa Ee C/raxmaan Bin Cawf PDF E-mail
Friday, 20 August 2010

Fiiro Gaar ah: Maanta oo kale Jimco waa maalinti aan uga baranay casharada uu bixin jiray Shiikh Shuceyb sidaa darteed ma daama Uu soonka dartii u cududaartay safarna u galay, waxaa halkiisi galin-doonaa druus ama casharo aan ka soo xigano ilo kala duwan ee walaalayaal sidaa ula socda.

                                        -----------------------------------------------------------------------

Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama, wuxuu kaloo ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo bixinta) ka dib maalintii doorashada khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc). Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay su'aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka (scw) uu noolaa.

Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka hor, waa intuusan islaamin, waxaa Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray: "Cabdi Camr", hase ahaatee kolkii uu soo galay diinta Islaamka oo soo islaamay, wuxuu Nebiga (scw) u baxshay magaca Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq labo maalmood ka hor. Cabdiraxmaan islaamidda uu soo islaamay wuxuu kala kulmay rafaad, jirdil, dhibaato iyo hagardaamo aad u daran, sidii ay ula kulmeen isaga hortiis walaalihiisa diinta Islaamka kaga soo horeeyay. Cabdiraxmaan wuu u sabray dhibaatadaas dacwada ka soo gaartay, sidii ayba Saxaabaduba ay arrintaa ugu dulqaateen, rumeyntoodii xeesha dheereed oo kalena wuu la yimid.

Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa asxaabtii u haajirtay dhulka Xabashida isagoo la baxsanayay diintiisa. Kolkii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa loo idmay inay u haajiraan oo u guuraan magaalada Madiina, Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa mar kale hormuudkaasxaabtaas. Rasuulka (scw) iyo asxaabtii la socotayba markay yimaadeen magaalada Madiina, wuxuu walaaleeyay Muhaajiriintii ka soo haajirtay magaalada Makka iyo Ansaartii deganayd magaalada Madiina.

Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari (rc). Sacad Binu Rabiic wuxuu Cabdiraxmaan ku yiri: "walaalkayow waxaan ka mid ahay ganacsatada degan magaalada Madiina kuwooda ugu taajirsan, waxaan leeyahay labo beerood iyo labo xaasas. Labadaas beerood bal soo eeg oo middaad doonto qaado, xaasaskaygana tii aad jeclaato ayaan kuu furayaa si aad adiga u guursato".

Cabdiraxmaan ayaa ku yiri: "Maalkaaga iyo xaaskaagaba Illaah ha kuu bakeeyo, laakiin waxaad i tustaa goobaha ganacsiga". Muddo yar ka dib Cabdiraxmaan wuu guursaday, wuxuuna u yimid maalintii danbe Rasuulka (scw).

Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan weydiiyay inuu guursaday iyo qiimaha uu meher ahaan u bixiyay. Cabdiraxmaan wuxuu yiri haa oo waan guursaday, meher ahaanna waxaan u baxay xabad timir wax le'eg oo dahab ah. Nebiga (scw) wuxuu Cabdirxamaan ku yiri: "casumaad sameey (alla bari) waloow neef arina ha ahaadee, Illaah xaaskaaga iyo maalkaagana ha kuu barakeeyo". Ducadii Nebiga (scw) waa la aqbalay jeer uu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka noqdo qof deeqsoon oo maal qabeen ah.

Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu Rasuulka (Scw) kala qayb galay dagaalo badan. Maalintii dagaalkii Badar ay dhacday wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka muujiyay goobtii dagaalka wacdaro geesinimo leh ilaa uu ka dilo cadoowgii Alle ee la oran jiray Cumeyr Binu Cuthmaan Binu Kacab Al-Tamiimi. Sidaas si la mid ah ayaa Cabdiraxmaan wuxuu ahaa kii sugnaada maalintii dagaalka Uxud, halka qaar ka mid ah asxaabta ka carareen. Waxaa dagaalkii Uxud ka soo gaarey Cabdiraxmaan dhowr iyo labaatan dhaawacyood, qaarkoodna ay halis ahaayeen.

Hase ahaatee jihaadka Cabdiraxmaan waxaa lagu tiriyaa mid yar, marka loo bar-bardhigo jihaadka maalka uu kaga qayb galay. Waxaan arkaynaa Rasuulka (scw) oo doonaya inuu diyaariyo ciidan ilaalo ah, markaasaa wuxuu asxaabta ku leeyahay: "maalkiina ka saddaqeysta waayo waxaan doonayaa inaan diro ciidan ilaalo ah". Markii uu Cabdiraxmaan maqlay hadalkaas wuxuu u degdegay gurigiisa si uu wuxuu hayo oo maal ah ugu keeno Rasuulka (scw). Lacagtii uu haystay maalintaas waxay gaareysay 4000 oo dirham, wuxuuna ula yimid Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: "labo kun waxaan amaahiyay Illaah, labada kun ee kalena waxaan u soo dhaafay ciyaalka".

Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan ku yiri: "Illaah ha kuu barakeeyo maalka aad bixisay iyo maalka aad reebatay. Markii uu Rasuulka (scw) go抋ansaday duulimaadkii Tabuuka oo ahayd dirirtii ugu danbeesay ee uu Rasuulka qaado intuu noolaa, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo maal fara badan, waayo ciidanka lagu duulayay ee Roomaanka ayaa ahaa kuwo in badan ka tiro iyo gaadiid badnaa muslimiinta, dhinaca kale sannadka uu dagaalku dhacayayna waxay ahayd sannad abaareed, safarkuna wuxuu ahaa safar dheer oo qaadanaya maalmo.

Iyadoo intaasoo arrimood oo dhibaato ah ay jiraan, ayaa waxaa Rasuulka (scw) u yimid qaar ka mid ah mu'miniintii jeclayd inay ka qaybgalaan dagaalka, iyagoo ka codsanaya Rasuulka inuu ka xanbaaro oo uu ka bixiyo qarashka ku baxa safarka, Rasuulku wuu ka cudurdaartay waayo ma uusan haysan wax dhaqaale ah.

Mu抦iniintii waxay laabteen, iyagoo indhahooda ay la burqanayso ilmo, murugo daraateed, sababtuna waa iyagoo aynan awoodin inay helaan nafaqada lagu aadayo duulimaadka Tabuuka. Mu'miniintaas sharafta leh waxaa maalintaa wixii ka danbeeyay loo baxshay kuwii oohinta badnaa, ciidankii dagaalka galayna waxaa iyagana loo baxshay ciidanka cidhiidhiga ama dhibaatada. Markay arrintu halkaa mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) amray asxaabta inay maalkooda wax ka bixiyaan si jidka Alle ah iyo si ay maalkaas Ilaah uga ajar qaataan. Muslimiintii ayaa hal mar ajiibay fulinta codsigii Rasuulka (scw) si ay maalkooda uga saddaqeystaan.

Haddaba, asxaabtaas waxaa safka hore kaga jiray Cabdiraxmaan Binu Cawf. Wuxuu bixiyay labo boqol oouuqiyadood oo dahab ah. Cumar Binu Khadaab (rc) oo markaas aan ka fogeyn meesha ayaa yiri: "waxaan arkaa inuu Cabdiraxmaan galay denbi, waayo wax maal ah ma uusan u soo dhaafin ehelkiis".

Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay Cabdiraxmaan su'aashan: "wax maal ah reerkaaga ma u soo dhaaftay". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "haa, oo waxaan u soo dhaafay wax ka badan kana wanaagsan maalkii aan bixiyay". Rasuulka (scw) ayaa misna yiri: "waa imisa". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "wixii uu Ilaah u yaboohay oo risqi iyo kheyrba ah".

Ciidankii Muslimiinta waxay u anbabaxeen Tabuuka, halkaana wuxuu Ilaah ku maamuusay Cabdiraxmaan Binu Cawf wax uusan ku maamuusin mid ka mid ah muslimiinta. Waxaa la gaarey xilligii salaadda, markaa iyada ahna Rasuulka (scw) uu muuqan yahay. Cabdiraxmaan ayaa tujiyay muslimiintii, markii ay dhammaatay rakcadii koowaad ayaa waxaa yimid Rasuulka (scw), ka dibna wuxuu ku xirtay salaadda uu imaamka u ahaa Cabdiraxmaan.

Haddaba, ma waxaa jira wanaag iyo qiimo ka weyn inuu qof tujiyo intuu Eebe (sw) abuuray oo dad ah imaamkooda iyo inta nebiyo la diray imaamkooda. Waxaan u maleenayaa inay jawaabtu tahay: "MAYA". Markii Rasuulka (scw) uu geeriyooday, wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf u istaagay u-adeegidda hooyooyinka mu'miniinta, waa xaasaskii Rasuulka (scw). Cabdiraxmaan wuxuu u qumi jiray danahooda. Wuu wehelin jiray haddii ay safar galayaan. Wuu la xajin jiray, haddii ay aadayaan Xajka. Wixii ay doonayaan in loo sameeyo oo dhan ayuu u qaban jiray. Taasina waa ammaan ka mid ah waxyaabaha uu ruuxa uu ku faano, dhinaca kale waxaa laga qaadanayaa arrinkan isaga ah kalsooni weyn oo ay haweenka Nebiga (scw) ku qabeen Cabdiraxmaan. Samafalka iyo ixsaanka Cabdiraxmaan Binu Cawf uu u geli jiray haweenka Nebiga (scw) waxay gaartey, in uu maalin iibiyay dhul qiimihiisa dhan ilaa 40 000 oo diinaar, dabadeedna uu dhulkii u qaybiyay reer Banuu Zuhra (reerka ay ka dhalatay Aminatu Bintu Wahb oo ah Rasuulka hooyadiis), masaakiinta muslimiinta iyo masaakiinta muhaajiriinta iyo haweenka Rasuulka (scw).

Cabdiraxmaan markii uu diray maalkii uu u qoondeeyay Caa'isha (rc), ayaa waxay Caa'isha tiri hadalkan: "Rasuulka (scw) wuxuu haweenkiisa ku yiri: "idiinma naxayo anniga gadaasheyda aan ka ahayn kuwa saabiriinta (sabarka badan) ah mooyee".

Weligeed baaqiayeey ahayd oo ma tirtirmin ducadii Nebiga (scw) ee uu u duceeyay Cabdiraxmaan ee ahayd inuu Alle u barakeeyo maalkiisa, jeer uu ka noqday ninka ugu maalqabeensan asxaabta, uguna hanti badan. Ganacsiga iyo safarka Cabdiraxmaan waxay u dhaxeeyeen magaalada Madiina iyo magaalooyinka kale, safarkaasoo dadka u sida dhar, cunto, barafuuno iyo wax kasta oo ay dadku u baahan yihiin.

Maalintii ugu badnayd ee uu Cabdiraxmaan sadaqeysto waxay ahayd, markii ay Caa'isha (rc) tiri inuu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu ka mid noqon doono ahlu-Janna oo uu geli doono Jannada. Wuxuu u yimid Caa'isha isagoo weydiinaya inay tiri hadalka, waxayna tiri: "Haa oo annigaa ka maqlay Nebiga (scw) inaad jannada gelaysid". Cabdiraxmaan wuxuu la booday farxad, isagoo ku yiri Caa'isha (rc) hadalkan: "hooyo waxaan ku marqaati gashanayaa in safarkan iyo gaadiidka saaran oo dhan aan u bixinayo jidka Alle".

Wixii ka danbeeyay maalintaas, wuxuu Cabdiraxmaan kordhiyay sadaqooyinka iyo gacan ka geysigii muslimiinta uu sameyn jiray. Wuxuu sadaqo ahaan u bixiyay lacag gaareysa 200.000 oo dirham oo fidah ah iyo 200.000 oo diinaar oo dahab ah, isagoo jidka Alle ku bixiyay. Waa lacag aad u fara badan. Dhinaca kale wuxuu siiyay mujaahidiintii kale lacag gaareysa 1500 oo diinaar iyo 500 oo gaadiid ah. Markii ay soo dhowaatay geeridii Cabdiraxmaan Binu Cawf (rc) wuxuu xoreeyay addoomo fara badan.

Sidoo kale wuxuu u dardaarmay asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Badar in la siiyo nin kasta 400 diinaar oo dahab ah, sidiina ayuu qof kasta ku helay lacagtaas. Xaasaskii Rasuulka (scw) oo maalintaas noolaa wuxuu tiiba u dardaarmay maal fara badan, ilaa ay Caa'isha markasta Cabdiraxmaan ugu duceyn jirtay ducadan qiimaha badan: "Allaha Cabdiraxmaan ka waraabiyo isha jannada ku taal ee la yiraahdo SALSABIIL".

Haddii uu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu masaakiintii muslimiinta, addoomadii dhibaataysnaa, xaasaskii Rasuulka (scw) ugu talo galay maalkaa faraha badan, haddana waxaynu og nahay inuusan iloobin reerkiisii, oo wuxuu iyagu u dhaafay maal fara badan, maalkaasoo ay adag tahay in la tiriyo. Wuxuu reerkiisa uga tagey 1000 neef oo geel ah, 100 fardo, 3000 neef oo ari ah.

Xaasaskiisii afarta ahaa dhaxalkii mid walba ay heshay waxay dhammeyd ilaa 80 000 oo diinaar. Waxaasoo dhan oo maal ah waa barakadii ducadii Nebiga (scw) uu u duceeyay Cabdiraxmaan. Hase ahaatee, maalkaas ma uusan fidneyn Cabdiraxmaan, sidoo kale mana uusan beddelin.

Cabdiraxmaan lagama soo dhex saari jirin isaga iyo shaqaalihiisa u shaqeeya, tawaaduc badni awgeed. Maalin maalmaha ka mid isagoo soomanaa ayaa loo keenay cuntadii afurka. Wuu eegay, markaasuu yiri: "waxaa maanta la dagaalkii Uxud lagu dilay Muscab binu Cumeyr isagoo iga kheyr badan. Ma aanan helin kafantii ugu kafni lahayn aan ka ahayn maro yar oo haddii aan madaxa ka saarno, ay lugihii muuqanayaan, haddii aan lugihii kafanta ka saarnana mnadaxii uu muuqanayo.
Adduunyadii ayaa naloo fidiyay barwaaqadeedii, waxaan ka cabsanayaa in abaalmarkeenii adduunyada aan ku qaadano".

Intaa ka dib, Cabdiraxmaan wuxuu bilaabay inuu aad u ooyo, cuntadiina uuna waxna ka cunin. Alla ayaan badanaa Cabdiraxmaan Binu Cawf, waayo isagoo dunidan saaran ayaaba Jannada loogu bishaareeyay. Janaasada Cabdiraxmaan waxaa xanbaaray Sacad Binu Abii Waqaas, waxaana ku tukaday Cusmaan Binu Caffaan (rc). Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu ka raalli noqdo Cabdiraxmaan, sidoo kalena u naxaraxiisto dhammaan asxaabtii usoo halgantay diintan Ilsaamka aamiin. Xigasho dhacdo News

 
Ictiraafka Dibada Mayaalo Ee Wuxuu Yaala Gondaha Somaliland .. Sidaa Waxaa Yiri Prof. Ismacil Buubaa PDF E-mail
Thursday, 19 August 2010

Md. Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa), oo ah siyaasi reer Somaliland ah balse aaminsan mabda’a federaalka, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu yaalao gondaheeda, balse aan laga raadin banaanada.

Md. Buubaa, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi, xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu xukuumadda cusub ee Somaliland u soo jeediyay inay u hawlgasho sidii ay u dhaxli lahayd hantida tirada badan ee taala baananka adduunka ee ay lahayd dawladii Siyaad Barre. “Waxaan kula taliyay in ninka hadda ah wasiirka arimaha dibada in laga dhigo wasiirka arimaha dibada, waayo ninkaasi waa nin shaqada ku wanaagsan oo ka soo bixi kara, waayo waa nin tacliina leh khibradna yeeshay oo waxyaalo badan arintaa dibada ka qaban kara. Iyadoo ay sidaas tahay, Somaliland maanta waxay u baahan tahay degenaansho iyo horumarin oo xagga dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga sida waddooyinka, dekedaha, iskuulada iyo cisbitaalada, maanta caalamka ayay u baahan tahay, ictiraaf ayay u baahan tahay, ictiraafkaas aniga waxay ila tahay in shaqadaa cidda wax ka qaban kartaa ay tahay labada wasiir ee daakhiliga iyo ganacsiga, waayo ictiraafka anigu sidaan u arko ma yaalo dibedda ee Somaliland gondaheeda ayuu yaalaa, Somaliland hore midnimada looguma khasbin imikana cidi kuma khasbi karto, laakiin waxa ay ka qabato degenaanshaha gudaha iyo soo dhowaynta dadka faraha badan ee Somaliyeed ee dhibaataysan inay ka ciyaarto door weyn ayaa caalamka ka siin doona tixgelin badan.

Dhinaca ganacsiga haddii loo fiirsado lacagta Somaliyeed ee taala Dubai, Kenya iyo Djibouti inay Somaliland ku dhaqanto hab dhaqan siyaasadeed oo dhiirigelinaya inay lacagahaasi ku soo xeroodaan Somaliland.” ayuu yidhi Buubaa, waxaanu intaas raaciyay, “Anigu wakhtigii aan ahaa wasiirka Maaliyadda, lacagta Somaliland ee hadda la isticmaalo aniga ayaa nashqadeeda lahaa, shirkaddana aniga ayaa ka dhaadhiciyay in la daabaco, dabadeed markii aan shaqada ka tegay ayaa dawladii u bixisay shilin anigu wakhtigaa Dirham ayaan u bixiyay, baanka dhexe ee Somaliland-na waxa uu uu qaabilsan yahay ayaan idhi wax alaale iyo wixii dhaxal ah ee dawladii Soomaliya isaga ayaa qabanaya,

Wakhtigaa Ingiriiskaan ku qanciyay baanka Somaliland inuu noqonayo cida dhaxlaysa dhaqanka iyo ilaalinta dhaqanka maaliyada gobolka imikana tii oo kale ayaa loo baahan yahay, kolay aniga waxay ila tahay lacagahaa aadka u faraha badan ee maanta Soomaliyeed ay meel walba kula daalaa dhacayso Dubai, Jabuuti waxay ila tahay in la soo hooyo oo la keeno Hargeysa.”

Buubaa, oo la weydiiyay inuu aaminsanyahay in Madaxweyne Siilaanyo, ka midho dhallin karo halganka loogu jiro ictiraaf raadinta, waxa uu yidhi, “Maanta siyaasiyiinta joogta Somaliland madasha siyaasadeed ee Somaliland aniga waxay ila tahay in la odhan karo dadka ugu dhow inuu arimahaa wax wayn ka qaban karo, laakiin far kali ahi fool ma dhaqdo ayay Soomalidu tidhaahdaa waxay ku xidhan tahay wasiirada iyo dadka ku xeeran, haddii ay noqdaan dad la talin kara oo runta u sheegi kara waxay ila tahay inuu wax weyn qaban karo laakiin haddii ay noqdaan qaar wixii uu isagu doonayo uun ku celceliyo oo durbaan u tuma waxay ila tahay in aanu wax weyn qaban doonin, hab-dhaqanka siyaasadeed ee uu la yimaado ayaanay ku xidhan tahay guusha iyo guul darrada iyo waxa uu qaban karo keeni kara.”

Buubaa, waxa la weydiiyay darenka ay beesha caalamku ku qaabishay xil wareejintii nabadeed ee Somaliland ka dhacday, waxa uu yidhi, “Aad iyo aad baa loo soo dhaweeyay arrintaas, waxay ahayd arrin Somaliland tixgelin weyn siisay laakiin sida loogu samayn karo suuq geyn oo wax dalka wax u tara laga dhalin karaa  waa arrin kale.”

Ugu dambayn, isagoo Ismaaciil, ka hadlaya mawduucan, waxa uu yidhi, “Mandaqaddani waa mandaqad dhibaatooyin badani ka taagan yihiin, wadankii Somaliya la odhan jiray ee Somaliland ka mid ahaan jirtay wuu gubanayaa, markaa waxay aniga ila tahay dhibaatadaa weyn ee Somaliya ka taagan wixii ay Somaliland ka qabato ayaa lagu tixgelin doonaa hadday noqoto mandaqadda iyo beesha caalamka ee kaleba. Somaliland waxa laga sugayaa inay la timaado arrintan (Somaliya) sidii loo maarayn lahaa. Somaliland waxay qabataa rabitaankeeda siyaasadeed ayuun bay sii xoojinaysaaye mid wax yeelaysa maaha, laakiin waxay u baahan tahay ku dhac iyo in dadka la dareensiiyo waxa jira.”

Wargeyska Geeska Afrika Hargeysa

 
Xamse Riraash Oo Gabay Ka Tiriyey Fadliga Ramadaanku Leeyahay PDF E-mail
Monday, 16 August 2010

Waa bil cibaado ah Anbiyadu duceyso ... Alaha na gaarsiiyo fadliga ay leedahay biisha Ramadaan. Waxaan halkaan ka akhrisankar-taan Gabay Uu Hamsa Riiraash ku cabiraayo fadliga ay leedahay Bisha Ramaadaan ..waxaanu ku bilaabaya sidatan:

Waxa dhalatay ashhar,
Ajarkeedii la aqbalay,
Aakhiriyo aduunkaba,
Ugu khayrka badanee,
Allahayow na garansii!
 
Waa bil cibaado ah
Anbiyudu ducaysoo,
Aayadaha qur’aankuna,
Kku soo dageen aduunykee,
Allahayow na garansii,
 
Axadiistii Rasuulkuna,
Waxa ay ku sheegeen,
Inay tahay bilkhayr lehoo,
Alle uu ciseeyeey,
Allhayow na garansii.
 
Arimahaaga gaarka ah,
Hadii ay adkaadaan,
Oo aad illowdid,
Bishan baa u dawaa aha,
Allahayo na garansii.

Aadan iyo intuu dhalay,
Allihii abuuraa,
Uga dhigay akhlaaqee,
Allahayow na garansii.
 
Asxaabtii udgoonayd,
Waa ay ciseeyeen,
Allay ay ka tuugeen,
Inuu ku simo samankan,
Allahayow na garansii.

Allihii na uumee,
Aduunyadan lahaayow,
Adaan kuu macbuud nee,
Xaqeedana garansii, oo
Aayadaha qur’aankuna,
Kku soo dageen aduunykee,
Allahayow na garansii,
 
Axadiistii Rasuulkuna,
Waxa ay ku sheegeen,
Inay tahay bilkhayr lehoo,
Alle uu ciseeyeey,
Allhayow na garansii.
 
Arimahaaga gaarka ah,
Hadii ay adkaadaan,
Oo aad illowdid,
Bishan baa u dawaa aha,
Allahayo na garansii.

Aadan iyo intuu dhalay,
Allihii abuuraa,
Uga dhigay akhlaaqee,
Allahayow na garansii.
 
Asxaabtii udgoonayd,
Waa ay ciseeyeen,
Allay ay ka tuugeen,
Inuu ku simo samankan,
Allahayow na garansii.

Allihii na uumee,
Aduunyadan lahaayow,
Adaan kuu macbuud nee,
Xaqeedana garansii, oo na wada dareensii
 

 Aamiin Aamiin

 
Mucjisada Quraanka ... Iyo Digtoor Shiikh Shuceyb PDF E-mail
Thursday, 12 August 2010

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga subanaha N.N.K. ha ahaato,  waxaan si rasmi ah u guda galnay Arbacadii 11/08/2010, bisha barakeysan ee Ramadan, waa bishii uusoo degay Qur'aanka kariimka ah sidaa darteed waxaan is tusay inaan akhristow kusoo bandhigo oo kaga hadlo maqaalka Jimcahan Mucjisada Quraamka kariimka ee casrigan iyo kii kahoreeyay la arkay, ma ogtahay in qarnigan lagu jiro mucjisooyin badan oo ku saabsan Quranka kariimka ah la arkayo midaa oo markale cadeyneysa in diinta islaamka ah ee aan heysano tahay mida xaqa ah kitaabka Quranka ahna uu yahay hadalkii Eebe weyne, Subanaha Mohamed (NNK ha ahaato) wuxuu  sheegay oo tilmaamay ay tahay wax loo waxyooday oo iska hadal ama mala awaal ay ka fogtahay. Dad badan oo inaga mid ah kuma cusba hadalkan, hase yeeshee ma ogtahay in nin takhtar ah oo baaritaan ku sameeyay ereyada quraanka uu ogaaday, markii shey lagu tilmaamo Quraanka uu jiro mid kaloo la mid ah oo u barbardhigma, tusaale usoo qaado tirada Raga lagu tilmaamamay iyo dumarka ay siman yihiin, hadaad qeexdo ereyga wax aad u adag ma aha in la garto si loo fahmo, marka naxwe ahaan loo fiirsho, hase yeeshee waxa cajiib ah intagoor ee quranka tilmaamay RAG iyo DUMAR waa isku mid oo wey isu dhigmaan, 24 goor baa ereygaa Rag lagu tilmaamay sidaa si la mid ah ereyga Dumar, Subhana Allah, sidaa darted naxwe ahaan oo keli ah ma aha ee xissab ahaan waa isku mid, waxa ayna la mid tahay saacadaha maalintii oo ah 24.

Hadaad u fiirsato Qur'aanka kariimka ah waxaad arkeysaa iney joogto tahay sinaantaa, masalo kale usoo qaado ereyo badan oo carabiga ka mid ah oo ku qoran Kitaabka barakeysan u fiirso inta goor ee la carab dhebay sida ay isugu dhigmaan oo u siman yihiin: Ereyga Dunya oo ah aduunka 115 goor baad ku arki sidoo kale Akhira 115, Malaika oo aan marna Allah amarkiisa jebin waxa lagu tilmaamay 88 goor, sidoo kale Sheydan oo Allah ku caasiyay amarkiisa diiday qofkana cadow kaga daran uusan jirin waxa lagu tilmaamay 88 goor, Nolosha waxa lagu tilmaamay 145 goor, sidoo kale Dhimashada 145 goor, Ibliis waxa lagu tilmaamay oo ah boqorka sheydan oo dhan 11, Magan gelyo laga weydisto Allah weyne sidoo kale waxa lagu tilmaamay 11 goor, Musiibo 75 sidoo kale Allah oo loo mahad cesho 75, Sadaqa oo la baxsho 73 goor Raalinimo laga muto 73 goor, Dad dariiqa wanaagsan laga leexsho 17 goor, sidoo kale Dad geeriyooda 17, Muslimiin 41 goor sidoo kale Jihaad 41, Dahab 8 goor, sidoo kale nolol sahlan 8 goor, Zakat 32 goor baa lagu tilmaamay, Barako maalka iyo tiradiisa oo korodha 32 goor, Dhibaato 114, sidoo kale sabur loo sabro 114. Intaa oo qura kuma eka mucjisada laga heli karo Quraanka kariimka ah ee waxa jira kuwo kaloo badan oo horay loo arkay culimada aqoonta kala duwan u kuur gasha ay tilmaameen iyo kuwo mustaqbalka soo shaac bixi doona, dhowaana dalka talyaaniga takhaatiirta waxey sheegeen markii ay baritaan ay u kuur galeen sameeyeen in dadka qaba xanuunka dhiig karka marka ay dhageystaan Quraanka uu wax weyn hoos u dhigaayo dhiigii kacsanaa.  Midaa mid la mid ahna hada ka hor laga sheegay dalka mareykanka, bukaan qaba cudurada Kansarka oo laga quustay markii la maqal siiyay Quraanka ay si weyn wax uga bedeshay caafimaadkooda guud, hoosna u dhigtay dawada Maandooriyaha ah ee loo siin jiray si xanuunka looga bi'iyo, Subhana Allah, qofkii horay u akhristay Quraanka wuxuu garanayaa in Allah noogu tilmaamay inuu yahay Dawo iyo naxariis kuwa Allah aaminay oo rumeeyay Suubanaha NNK ha ahaato.

Waxaase ugu yaab badan inta goor ee Ereyga Salad lagu tilmaamay 5 goor oo u dhiganta wakhtiyada qofka muslimka ah laga rabo maalintii inuu tukado, sidoo kale Bilaha 12 oo ah sida aan la socono tirade la tirsho sanadkii, iyo Maalin oo lagu tilmaamay 365 goor, Bad 32 goor, sidoo kale dhul 13 goor, marka aad isu geyso waxa ay noqon 32 + 13 = 45 markaa ka dib hadii aad u qeybiso 32/45 oo aad ku dhufato 100 waxa kuusoo baxaya 71. 111% oo ah inta aduunka aan ku noolnahay biyaha ay daboolaan, sidoo kale hadii aad sidaa si la mid ah sameyso 13/45 x 100 waxa kusoo baxaya 28.888% oo u dhiganta inta aduunka aan ku nool nahay yaabiska ah, markaa ka dib hadii aad isugeyso 71.111 + 28.888 waxa kusoo baxaya tirada ah 100%  sida ay sheegeen culimada ku xeel dheer Joqoraafiyada ee casriga.

Allow noo naxariiso oo na'cafi, dadka in yar oo Allah u naxariistay mooyee inta badan waa ka haajireen ku dhaqanka kitaabka Allah iyo in la joogteeyo akhrintiisa, naloogu tilmaamay wanaaga aduunka oo idil iyo guusha aakhiro, isagaana naxariis iyo dawo noogu filan.

Waxaan nafteyda iyo tiina xusuusinayaa, inaan laga haajirin Kitaabka Allah oo aan la noqon kuwii Allah iloobay markaa kadib noftooda hilmaamay, Allah waxaan ka baryayaa inuu noo sahlo soonka bisha Ramadan, Allow naga yeel kuwa dartaa u sooma.

Markale dhamaan waxaan u rajeynayaa Ramadan Kariim, Caafimaad ku sooma Allah ha idinka aqbalo ..Hadaan asiibay waa Allah fadligii, hadaan gefay waa sheydaanka iyo nafteyda Sh. Shuceyb

 
Madaxweyne Obama Oo Yiri Xal Yaan Laga Sugin Somaaliya Beri Iyo Saadambe PDF E-mail
Monday, 09 August 2010

Madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay hogaamiyaasha mustaqbalka ee qaarada Afrika (Young African Leaders Forum) oo ka dhacay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa quus iyo rajo beel ka muujiyay kasoo reynta xaalada Soomaaliya, madaxweynaha ayaa waxaa su'aal ku hal gaadey gabar Soomaaliyeed oo ka mid ahayd dadkii shirka ka qayb gelayay, gabadha oo sida muuqata ka damqanaysey dhibaatada ku raagtey dalkeeda laguna magacaabo Najma Axmed Cabdi waxayna su'aasheeda oo u muuqatey mid uu dareen badani ku dheehnaa ay u dhigtay qaabkan:

Su'aal:`` Mudane Madaxweyne waxaan halkan u imid hal su'aal, waxayna tahay waxaanu ku noolnahay khilaaf ka jira dal ka maajiyay dunida oo idil, waxaana ka mid ahay qurba joogta Soomaaliyeed ee naftooda khatarta u geliyay si ay Soomaaliya u noqoto meel sidan dhaanta, gaar ahaan waxa aynu iminka muquuraneyno--hadaba taageero intee la eg ayaanu uga fadhinaa Maraykanka, ulamana jeedo taageero dhaqaale, ee taageero saaxiib iyo qof dhegeysanaya ama maqlaya kuwa inaga midka ah ee noloshooda iyo tan qoyskoodaba halis u gelinaya difaacidda bini aadaminimada..``?

Jawaabtii Obama: ``Hagaag, Waxaan filayaa inaad taageero balaaran ka heleysaan dadka Maraykanka, marka ay timaaddo abuurista qaab dhismeed iyo xayndaab wax u tara dadka Soomaaliyeed.
Iminka, taaariikhda Soomaaliya 20-kii sanadood ee inaga tegey waxay hayd mid muraara dilaac joogto ah lahayd, hadiiba aanay ka darneyn, ma aydaan helin dowlad wax ku ool ah oo dadka u sameeysa adeegyada aasaasiga ah, khilaaf baahey baa jirey, hadana gobolkii oo dhan baa halis ugu jira xagjirka Soomaaliya ku xidideystay, oo ka fa'iideysanaya fashilka Soomaaliya si ay ugu adeegsadaan Soomaaliya saldhig ay weeraro ka qaadaan, sida kii ugu dambeeyee Uganda.....`` ayuu ku bilaabay Obama

Mudane Obama ayaa dhacdadaasi dhiiga leh uga tacsiyeeyey Dalka Uganda oo mar qura la kulantay sida uu yiri labada dhacdo oo aad u kala fog: Qosolkii koobka aduunka iyo qamuunyadii qaraxu keenay. isagoo hoosta ka xariiqey inay iminka sii balaaraneyso khatarta kooxahan oo sida uu sheegay noqotay mid gobol iyo mid caalami intaba.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale soo hadal qaadey Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay la timid woxoogaa dadaal ah oo aan badneyn iyadoo hadalkiisa laga dhadhansan karey inuu saluugsana waxqabadkeeda.

``Waxaa jirta DKMG ah ee Soomaaliya oo woxoogaa dadaalaysa, Uma haysto inuu qofina Quud dareeynayo in sanadaha yar ee soo aadan ay Soomaaliya isu bedesho Dimoqraadiyad lagu daydo, nooc kastoo uu noqdo qaabka dowladnimo ee Soomaaliya ka hana qaada waa inuu ka war qabaa qaab dhismeedyada dhaqan iyo kuwa qabaliga ah ee ka dhex jira Soomaalida------laakiin waxa aynu sameeyn karnaa waa abuurista xaalad ay dadka Soomaalidu gaar ahaan kuwa yar yari aanay qoryo sidanin oo aanay jidadka isku tooganin, waxaanan dooneynaa inaynu dadaalkaa kula jaal noqono Soomaaliya waana sii wadaynaa inaanu sidaa yeelno``. ayuu yiri.

Hadalka madaxweynaha ayaa laga qalin daaran karaa inaanay jirin wax qorshe ah oo u degsan Maraykanka ee ku qotoma wax ka qabashada qaaquuliynka Soomaaliya iyo hadii aan sida kale u iraahdo wax uu qaban karo intaba, iyadoo dad badan oo la socda arimaha Soomaaliya ay aaminsan yihiin inaan xalka dhabta ah ee ay dheeftu ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliya uu ka iman karo oo kaliya Soomaalida dhexdeeda, hadii kale waxa la sugaa waa in xaaladu kasii dartaa maadaama Xalka kasoo baxaya dibadu uu noqday soo kordhinta ciidamo sharciyadoodu noqotay inay madaafiic ku asqeeyaan dadka yar ee ku haray xaafadaha cidlada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale waxaa weli dood la gelinayaa saxnimada cidii ka dambeysey qarixii Uganda oo ay dad badani qabaan inay ka dambeeyeen ashkhaas iyo dowlado wata ajandayaal qarsoon oo lagu xoojinayo PM-ka loo rukumay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho, waloow kooxda Al Shabab ay sheegatayna waxaa loo badiyay is maqiiqii qarka naga tuuray iyo wax lib loo maleeyo oo ka daroo dibi dhal ah, waxaana shakigaasi yimid kadib markii ay ciidamada amaanka ee Uganda ay soo bandhigeen sawir ay ku sheegeen qofkii naftiisa huray kaasoo laga macmalay sawir horay looga qaaday Cali Maxamed Geedi oo RW. ka ahaa dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxaana cajiib ah inuu ninkan ag yaalley calanka Buluuga ah ee Soomaaliya oo aanay ogoleeyn kooxda mas'uuliyada sheegatay.

Dad badan ayaa sidoo kale iminka soo jeedinaya in dumarku door firfircoon ka qaataan farya suulinta xaalada fongoran ee ka taagan Soomaaliya maadaama ay ragii noqdeen, damane, dowdar, dantii mooge, dilaal, diin ku gambad, daneyste, diidane aan cidna dooneyn iyo daacuf uu duul shisheeye ku adeegto, iyadoo aan la iska indha tiri kareeynin mowjadaha ay iminka haweenku horseedka ka yihiin .

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting