Sharif O Intaan La Isugu imaan Dagaal Faan Carada Ku Rogay Isu Diyaariyey Xoreynta Dhulki Galbaday PDF Print E-mail
Monday, 08 March 2010

Saraakiil iyagu Sheegtay iney ka tirsanyihiin Taliska ciidanka dowlada KMG Somalia qaybta gobalada Jubbooyinka ay maalmahaan ku hanjabayeen in ay weeraro ku qaadi-doonaan magaalooyinka waaweyn ee gobalada Jubbooyinka oo ay maamulaan dhaq-dhaqaaqa hubaysan ee Al Shabaab.

Guddi iyana la carbaabay iney dhawaan dowlada Federaalka KMG Somalia u xil saartay Xoraynta gobalka Jubbooyinka ayaa iyana sheegay in la soo dhamaystiray diyaarawgii Ciidan oo ay ka wadeen gudaha Kenya iyo Gedo islamarkaana dhawaan la xorayn-doono Kismaayo ilaa iyo Dhoobleey sida hadalka loo dhigay.

Afhayeenka Guddiga Abaabulka iyo Xoraynta Jubbooyinka Kabtan Xirsi Xaaji Cabdi oo la hadlay rebrtar ka tirsan Galdogob Times oo ku sugan mogdisho ayaa sheegay in Ciidankoodu diyaar u yihiin dagaal ay Shabaab kula galaan.

“Ciidanka Xoraynta Dowlada KMG ee Jubbooyinka diyaar ayay u yihiin in ay qabsadaan magaalooyinka Jubbada Hoose gaar ahaan kisimayo, kooxaha shabaabka jooga Jubbooyinka way ka niyad jabsanyihiin abaabulka xoogan ee dowladu ka samaysay gudaha Kenya iyo Itoobiya, hadii ilaahey idmo shacabka Jubbooyinka Argagaxisada way ka xoroobi doonaan” ayuu yiri Kabtan Xirsi.

Mas’uulkan ayaa intaasi raaciyay in meel wanaagsan marayaan dhaqaale siinta Kumanaan Askari oo dhawaan Tababaro kusoo qaatay gobalka Waqooyi Bari Kenya oo ah gobalka Somalidu degto.

Isku soo-wada duuboo dowladda Kmg ee Soomaaliya ee Shariif hogaaminayo ayaa u muuqata mid aad isku diyaarisay ooba dooneyso iney gantaalo ku ololiso mulacyada dab isku tuurka ee loo yaqaan Al-shabaab arladana galiyey hawlweyn , waxaase wal-wal ka jira xiligaan ciidamada   dowladda kmg lagu yaqaano guryo laaluushka iyo meel marka ay qabsadaan in’ay raadkoodi roor dib uga laabtaan sida ay xaaladu isu badaleyso.

Dhinaca kale Shabaabka oo iyagu lagu yaqaano af daboolka joogna aan ku hakan ayaa la sheegaya iney majliskooda talo ku meel gaareen inaan geeri laga baqin, rabina ka tuugeen iney dagaal kala gaban kuwa gaalada la haasaawaya ee culimada iyo ciiddi iibsaday, iyagoo halkaas kitaab Qur'aan ah isku kawsiiyey, iskuna wacdiyey in malaaiigtu ay u hiilin-doonto muuminiinta runta ah ... waxaa kalo la tilmaamay iney halkaas waa majlska dagaalke ay ku maskax hindiseen qorshe ay uga baxyaan magaalooyinka haddi ay Hugugufta hawsarka iyo gantaalada lays la gaadayo gool nalo ka dhaliyo ayey yiraahdeen.

                                                  Galdogob Times News Desk  

 

Obama

Full Name: Barack Hussein Obama Jr.
Party: Democratic
Date of Birth: August 4, 1961
Place of Birth: Honolulu, Hawaii
Home: Chicago, Ill.
Campaign Web Site: barackobama.com

Qatar basketball player Khalid Suliman Abdi attempts a pass

Full Story




Powered by Core Design
webhosting