PDF Print E-mail
Friday, 28 March 2008

Xuruufta Waawayn (Captital Letters) iyo Xilqaadkooda Af-Soomaaliga
Axmed Ismaaciil Yuusuf*
March 24, 2008

Ayaandarada afkeenna haysata waxa ka mid ah markii kii yaqaaneyna qalin markuu qaato  raaci waayo qawaaniinta afafkii ka da'da waaweyni dajiyeen ee lama huraanka ay noqotay in keenuna qaato.  “Waa su'aal da’waynoo madaxa daalineysee,” taasi ma garasho la'aan baa? Ma buug yaraan baa?  Mise waa xirfad gaabnimo qoraal?

Inkasta oo aanan hadda muddo dheer Af-Soomaaliga wax ku qorin, akhrigiisuna igu yar yahay, waxaan u hayaa afkayga qadirin uu iga mutaystay hodonimadiisa daraadeed.  Laakiin sida loogu tunto oo qof-waliba meeshu doono iyo siduu doono u xajiimeeyo, markay qoraal noqoto, ayaa aad ii dhiba oo igu kalifay in aanan bog iska daaye, sadar aanan ka badsan.  Haddaba iyada oo ay badan yihiin xajiimmahaasi, waxaan halkan maanta taabanayaa xuruufta  waawayn (Capital Letters) iyo xilkooda.      

Tusaale, "Af-Soomaali" iyo "af-soomaali" midkee baa qalad/khalad ah?
"Soomaalidu" iyo "soomaalidu" kee baa qumman?  U fiirso xarfaha laga bilaabayo ereyga. 

Soomaalidu waxay gaadiid u adeegsato waxaa ugu caansanaa awrka.  Awrka marka ummaddii reer guuraaga ahayd ee Soomaalidu adeegsanayso ama biyo ha ku rarteen ama xaabo ama aqal ama maato ah, laba arrimood baa suuro gal uga dhigi jirey inay daabaddaa Eebbe awoodda xoog ugu deeqay ay muquuniyaan, oo dhankay rabaanna u hagaan, waxay doonaanna guudka ka saaraan.  Labadaasuna waxay ahaayeen hoggaanka iyo heeryada.  Hoggaanku waa kii awrku raacayey, heeryaduna waa tii qabanaysey wixii awrka la saarayey, kana ilaalinaysey in culayskaa saarani waxyeello u gaysto jidhkiisa. 

Dulucda hadlakaygu waxay tahay, af-kastaaba waa u awr ummaddiisa.  Awrkasta oo ummadi adeegsatona waa inuu hoggaan iyo heeryoba lahaadaa.  Luqo ama af markaa waa hoggaan raac, waana heeryo qaad.  Intaas oo dhan laakiin waxaa ka horreeya in luqada ama afka la isku raaco wixii heeryo looga dhigi lahaa iyo sidii hoggaanku u qaban lahaaba.  Afafka aduunka lagaga hadlo waxa markaa hooggaan iyo heeryoba u ah waxa Ingriisiga (English) lagu yidhaahdo "grammar" inaguna aan u addeegsano naxwe oo "punctuations" oo ay Af-Soomaaligana  malaa ugu dhowdahay "summad war-soocyo" iyo qaanuunka xuruufta waawayn "Capital Letters" oo ayaguna hoos yimaada.  Af-Soomaaligu waxaa ogaal ah inuu tixraacay af-quruumeedka loo yaqaano Laatiin (Latin) xuruuf ahaan, dabadeedna ay lama huraan noqotay inuu isaga qaato qawaaniinta lugu hago ama lagu hoggaansho. 
 
Nasiibdaro markii Af-Soomaliga la isku raacay inuu qaato xuruufta Laatiinka wax yaalaha aan si xeel dheer loo lafa-gurin waxaa ka mid ahaa sidii loo adkaykan lahaa qaabka loo adeegsado summadaha warsooca, laakiin waxa xaqiiq ah oo jira qaar summadahaa iska caan ah oo afkasta oo xuruufta Laatiinka doortay (Ingiriisida, Talyaaniga, Faransiiska, Isbaanishka ay ka mid yihiin) ay wada qaateen,  inagu aan kuwaa ka mid noqonay, oo in aynaan dhinacna ka dhaafi karrayn ay qasab tahay.  Waxaana ka mid ah summada xigasho ("");  joogsi (.); hakad (,); kolmo (:).  Intaa kuma dhammee ku dar xarafka wayn oo ciwaan, magac iyo sadar cusub oo kasta lugu bilaabo iyo qaybo kale oo aan hadda ka gaabsanayo.     
                       
Markaa meelaha ay dhibaatada ugu weyni  ka taagan tahay Af-Soomaaliga maanta waxaa ka mid ah, sidii xuruuf summadeedkaa loo tix raaci lahaa, haba ugu daraado xarafka wayniye, loona ilaalin lahaa qaayaha iyo qiimaha ay sidaan oo ay afka u leeyihiin.  Waayo haddii summadahaa la saydhiyo oo qaanuunkaa la raaci wayo, waxaa dhacaya waa marka kobaade, awrkii Af-Soomaaliga raran karimaysid oo hayin kuu noqon maayo.  Waa marka labaade, dadka luqooyinka kale, gaar ahaan Ingiriisiga, Talyaaniga, Isbaanishka, wax ku bartay ee xiisaynaya Af-Soomaaliga, soo jiidan maysid.  Sababtuna waxay tahay waxay dareemayaan culimada afafkaasi inaad luminayso, illeen hoggankii luqada hagi lahaa ayaad tustay inaanad dan ka lahayne.         

Waxyaalaha Af-Soomaliga qoraalkiisa aad iyo aad u qiima rida waxa ka mid ah qoraalada ay qoraan rag aad Af Soomaaliga u yaqaanna, higaadiisna tixgeliya,  laakiin lagu kari waayey inay qawaaniintaa laf dhabarta ahna raaciyaan .  Tusaale, erayada ka soo jeeda erayga "Soomaali" sida Soomaalidu, Soomaalideennu, Soomaali-ahaan  ama Af-Soomaali, kuma bilaabi kartid "s" yar oo ma qori kartid "soomaalidu, soomaalideenu, soomaali-ahaan, af-soomaal.”  Haddana kuwa Af-Soomaaliga awood u sheegaanaya ayaa caadeystey xad-dhaafkaa.  Taasi waa gaf laga gelayo qawaaniinta afafka guud ahaan, gaar ahaana afkeenna oo hoos u dhigaysa qoraal qadirinta iyo xirfadaha ku xil leh.  Waayo afkeenna haddii uu doortay xuruufta Laatiinka (Latin), qoraagu lama iman karo sharci uu isagu iska leeyahay, oo uu jeebkiisa kala soo baxay, kuwo hore la isugu raacayna ma qubi karo.  Qoraagii ay labadaasi ka muuqdaan ciqaabtuu mudan yahay, oo iskeedba u halleesha inta badan, waa iyada oo qoraalkiisa culimada xirfaddan ku caanka ahi qadarin waayaan.  Hadday qoraalkaaga qayrkaa qadarin waayona argitidaadana ma qadirinayaan!  

Waxaa haddaba nasiib darro ah in dhibaatada Soomaalida haleeshay ay Af-Soomaaligii, oo markiisii horeba aan dhidibo culus qoraal ahaan loo asaasin, isna cidla ka heshay.   Xuruufta waawayn oo aan habkooda iyo hubkooda loo adeegsani waa dhaawac Af-Soomaaliga dhicis ka dhigaya

Caddayn:  markasta oo la qoraayo "English," eeg xarafka "E"du waa wayn yahay . Arki maysid "e" yar waxkastaba halooga jeedee.  Tusaale, "Ali is an Americanized man," uma qori kartid "Ali is an americanized man."  Haddii aad tan danbe qorto waa ceeb culus oo caalamka qawaaniita Laatiinka oo dhan meel kaga dhacaysa.  Eeg markaa haddii Af-Soomaali lagu yidhaahdo, waa marka fal lagu daro e, "Cali wuxuu noqday Maraykan," sax waxay u qoran tahay marka magaca "Maraykan" ka bilaabmo "M" dan weyn.  Laakiin "Cali, wuxuu noday maraykan," waa gaf mar haddii aad ka  biloowdo "m"dan yar.  Xarafka Maraykan ka bilaabmaa marwalba waa inuu waynaadaa, haddiiba xidid ama isirkiisu ka yimi kelmad  ah “English.”  Markaa in Af-Soomaligana lagu qasbo waxaan caalamka luqooyinka daneeyaa qaadan karayn gaf weeye.  Haddaba la soco oo dadka qoraayaa "af-soomaali" ama "Soomaalidu," anshaxii qoraal iyo qawaaniintiisiiba way jibiyeen, oo khalad bay faafinayaan markay qorayaan “soomaalidu.”

Sidaa darteed, Af-Soomaaliga dad  tiro badan oo xoog u yaqaanna, ayaan waxay qoraan aan gaadhsiin karayn dad kale oo xataa Soomaali ah, laakiin wax bartay oo afafka shisheeyena yaqaanna.  Sababuhuna sidaan carrabaabay waa dhowr,  kuwa ugu waawayna waxa ka mid ah xad-gudubka iyo xushmo laa'aantaa summad socooyada oo murug macnaha galin kara, haddaan loo adeegsan sida culimada luqooyinku u wada yaqaaniin, qofka qoraal yaqaanka ahina wuu neceb yahay in uu arko nuqsaantaa. 

Haddii aan sii ambo qaado, bal  u fiirso erayada ay marwalba gaf tahay in xaraf yar lagu bilaabo,  waxay u badan yihiin kuwo isirkoodu ka soo jeedo magac, laakiin sifo (adjective) loo rogay.  Tusaale, "Xasan Hargeysa-nimo ayuu la yimi, Caashina waa inoo reer Kismaan-yaysay."  La soco hadda maan qorin " hargeysa-nimo/kismaan-yaysay toone."  Fal iyo sifo kasta oo magaca Hargeysa ama Kismaanyo and Caasha ku dhacaa ma baajin karo in erayga asalkiisii ahaa magac.  Markaa falkaasi ama sifadaasi mar haddii uu macgac ka yimi, erayga bilowgiisu inuu sitaa xaraf weyn, waa qasab ama lama-huraan, waana sida waafaqsan qawaaniinta qoraalka xuruufta Laatiinka.

Mar laabaad, ogsoonaw markaad qorayso "af soomaali, ama soomaalidu ama xamar-jooge-yaashu" afka qawaaniintiisa meel baad kaga dhacaysaa oo sharicgii kala saari lahaa ayaad tuuraysaa. 

Mar saddexaad aan ku soo gunaanado, "Af-Soomaali" iyo "af-soomaali," Af-Soomaali baa sax ah. "Soomaalidu" iyo "soomaalidu" na Soomaalidu baa sax ah.  
“Xamar-jooge-yaasha,” iyo “xamar-jooge-yaasha,” Xamar-jooge-yaasha ayaa sax ah. 

Tusaalahan hoos ku qoran ee aan soo xigtey bal eeg sida Ingiriisiduna u taabatay oo markan aad u kooban.  

"The names of languages are always written with a capital letter. Be careful about this; it's a very common mistake," ayuu ku leeyahay qoraagani.  U fiiso qoraalkan hoose:

Juliet speaks English, French, Italian and Portuguese.
I need to work on my Spanish irregular verbs.
Among the major languages of India are Hindi, Gujarati and Tamil.
These days, few students study Latin and Greek.      
                              

Wuxuu qoraagaan aan soo xigtey kuu taxayaa qaybaha ay lama huraan tahay in xaraf wayn lagu bilaabo.  Waxa marwalba xaraf wayn ka bilaama, "languages, countries and nationalities: Spanish, English, Chinese, South Korea, United States, German, Franch, Japanese," ayuu ku yidhi qoraagaasi.

*Axmed Ismaaciil Yuusuf waa qoraa madaxbannaan oo deggen magaalada Minneapolis,MN. Waxa lagala xidhiidhi karaa: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
nomad
webhosting