|
Waqooyiga Ameerika(Canada-America): Kulamo ay yeesheen bishaan dhexdeeda dhalinyarada Beesha Tanade Daarood ee ku nool waqooyiga ameerika ayaa soo saaray bayaan kooban oo ay kaga soo horjeedaan musuqa iyo cadaalad darada lagu hayo bulshada beeshooda.
Dhaliyaradaas waxay baaqoodaas ku sheegeen in meel marintii iyo hana qaadkii dhismaha puntlaand waxay beeshaa ka ahayd ka kow, isuna dhiibtay iyadoo ku taageertay dhinac kasta oo leh siyaasad,dhaqaalo iyo cudud ciidan.
Beesha xisbigeedii SNDU may iibsan mana ay ku baayactamin ee masiirka ismaamul ee lagu raad joogay iyo mustaqbalka u yegleelka ayey sidaas u yeeshay.
Kalsooni iyo ku dhiirasho ku baabi'yeen maamulkii ay degaanadooda ku lahaayeen waxayna kala direen maleshiyooyinkii ay habeysteen oo isku difaaci jireen.
hadaba haddi la eego maxa keenay in dhalinyarada waqooyiga ameerika ay maanta baaqaan soo saaraan oo dhaliil u soo jeediyaan maamulka ka jira puntlaand oo u madaxa u yahay Generaal Cade Muuse.
Dhaliyaradaas oo isla baaqaas ku jawaabeysa waxay soo koobeen dhibaatada beesha ay kala kulmeen maamulka Cade Muuse , waayo markii lagu bahoobay dhismaha maamulka goboleedka puntlaand waxaa runti la galay heshiisyo iyo axdiyo fara badan, waxaana ugu muhiimsanaa:
1- In Cadaalad lagu dhaqo dadka puntlaand si siman
2- In Maamulka si loo wada dhan yahay looga muuqdo.
3- In Dhismaha gobolada iyo degmooyinka isku si loo hormariyo.
4- In Tacliinta iyo caafimaadka kor logu qaado magaalooyinka p/land si wada siman
Dhamaan qodobadaan oo dhan ayaa noqday mid uu maamulka Cade Muuse baal maray, waxaa si gaara loo dhisay degaano u ka soo jeedo Cade Muuse,waxaa deeqdii aduunka laga keenay ay noqotay mid dad gaara lagu naasnuujiyo,maamulkii loo wada dhamaa waxaa u noqday mid dan gaara lagu daryeelo.
Waxaa la yaab noqotay markii degaanka Galdogob xataa canshuurta laga aruuriyo si toos ah loo geeyo garowe oo ayen jirin wax u soo noqda haba ahaate xitaa mushar shaqaalle.
Odayaasha beesha in badan ayey la xariireen jeneraal Cade oo ka cawdeen dulmiga iyo tixgalin la'aanta ka jirta hasa ahaate ma usan ixtaraamin odayaashaas dhagna uma dhigin, balse waxuu ku eedeyey iney maxkamadaha caadifad u hayaan oo ay wadaado yihiin" wal-ciyaadu bilaah hadma ayuu noqday wadaadku wax laysku dhaleeceeyo"
Dhalinyaradaas qurbaha oo baaqooda soo gabagabeeyey waxay ugu yeerayaan maamulka Cade Muuse inu la yimaado isbadal muuqda masuuliyadna iska saaro cadaalad daradaas beesha saameysay, haddi taas la waayana odayaasha lagama yeelidoono iney dib dambe u garda duubaan dhalinyaro isbadal doon ah iyo guud ahaan kacdoon ka yimaada dhinaca bulshada oo hal ku dhag ka dhigta " kaligiis liqoow xanuunka ila arag"
Galdogob Times News Desk
|