Garoowe yaa Gawracay? PDF Print E-mail
Tuesday, 03 June 2008

Toban gu’ iyo dhalaciin ayaa ka soo wareegtay maalintii Garoowe la yagleelay, waa Puntland-e. Ujeedadii laga la haana waxay ahayd in ay ummadda u horkacdo hilinka toosan wadankana u noqoto degal lagu soo hirto ruuxwalibana harsado. Iyo in la unko xalkii lagu baqtiin lahaa dabka Soomaaliya ka aloosan. Tolow, maxaa ka hirgalay?

Hagaag, Garoowe dad badan ayaa ka dhursugayey oo la haa barray ka soo rayn doontaa. Is ka daa ka rayne, waxay dib u liqday mandheerteedii. Waa jirtaa xoogaa xasilooniya in lagu haystay, waa jirtaa in ganacsigu dalaal ahaa, waa jirtaa in hayadaha caalamiga ahi ku soo qulqulayeen, maxaase ka naasa cad? Waa maxay meesha ay Garoowe ka kaci la’ dahay?

Dhowr qodob oo isbiirsaday ayaa Garoowe inta marsho gadaal-gadaala ku tuuray hadana jar ka riday. Waa tan horee, waxay la kaci weyday maamul-xumo, kii ka taliyaaba  intuu jifadiisa isku hareereeyo, ayuu  isa-goo sidii hawtalhamag u dhacdhacaya xukunka ku qalalaa, meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo wax garanaya majiraan. Cid lama tashadaan, qorshe ma dejiyaan, la lama xisaabtami karo, danta-guudna laguma soo qaadi karo. Intii Garoowe dhisnayd, wax horumara oo la taaban karo ma hirgalin, haday tahay wadooyin la dhisay, haday tahay iskoolo, haday tahay isbitaalo, haba yaraatee wax ay qabteen ha sheegin. Tan labaadi waa musuq. Puntland waxay ku caanbaxday musuqii aduunka kii ugu daraa. Hantida dadweynaha waxay u boobaan si caqliga ka weyn, ma gartaan wax hanbeeya, innaba ha yaraatee damiir ma leh ismana qabtaan. Teeda saddexaad waa kutumashada xaquuqda dadka ay Puntland wada degaan. Sideedaba, Garoowe habeyn qura kuma seexan dhawrista xaquuqda dadkay wada degaan waxayna u dhaqmaan sidii in ay sabroloogo u haystaan arlada Illaahay oo dhan. Waa  wax lagu qoslo, markaad aragtid Puntland oo u xusulduub ugu jirta sidii Kismaayo taladeeda wax looga galin lahaa, maxaa yeelay dadkeedaa ku nool, waxayse indhaha iyo dhagahaba beelaan marka dadka ay wada degan yihiini codsadaan in talada Puntland la wadaagaan. Waxaan is weydiin lahayn, hadii la arki lahaa iyagoo xaqdhawraya dadka  ay wada degaan iyagana xaqooda waa loo tirin la haa.

Hawraarsan, garoowe heerkay maanta marayso Alloo caynsha mooyee waxay ku socotaa Halalaw iyo Haybooqan umana eka mid ka soo bixi karta. Maanta, Puntland waxay mareysaa in dadkii la iska xirxirto cidii soo gudbiya tiraahdana halhaleel faraha looga saaro. Waxay maraysaa in Garoowe la soo gedtay mashiino lacagta u daabaca sida joornaalka, taasina waxay dhalisay sicirbarar xad-dhaafa. Waxaa ayaandaraa falalka fooshaxun oo ay ku dhaqmaan taliska Puntland. Eeg, waxa dhaqaalahii la degay lacagta ay daabacayaan waana mid aan laga soo waaqsan Karin bulshadana curyaamineysa.

 

Isku soo duuduuboo, waxaan maqli jiray, “ habartii indho la’aan ma ku ogeyd, dad-cunimay ku darsatay”. Puntland, inta kor ku xusan waxa u dheer, in laga waayey garwadeen u istaaga dantaguud, in laga waayey indheergarad yiraahda sida aad wax u maamulaysaan ka daaya, in laga waayey  aqoonyahan u istaaga xaquuqda shacabka, waxa kaloo laga waayey shacab ka dhiidhiya xukunka guracan. Cajiib, Garoowe wali waa isla qumantahay waxaas oo dhanna waa ka, lex dhukani abaar moog. Haddii aan u soo noqodo jawaabta, Garoowe waxa gawraca ugu jiiday waa maamulada is daba joogaa  oo aan yool, hadaf, iyo himilotoona lahayn. Garoowe waxa gawraca ugu jiiday xukuumad u talinaysa sidii baalkaabiyo dab aragtay. Garoowe wajiga u furani waa in la badalo habka maanta loogu talinayo lagana dhigo mid u muuqda sidii muraayad dadkoo dhami iska arki karaan, in talada loogu yeero indheergaradka, in maamulka loo dhiibo garwadeen xaqsoora iyo in la ilaaliyo xuquuqda dadka ay wada degaan. Arimahaasi waa kuwo Garoowe ka baajinaya kara gawraca waana aasaaska bulsho fayaw,  hadiise taa la waayo waxay dantu noqonaysaa in ninwaliba ku dhaqaaqo meesha maslaxadiisu ku jirto.


W/Q: Bashir  Cabdi Maxamed
Email: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
nomad
webhosting