Warbixin Ay Soo Saareen B4: "Muqaawamo Guushooda Waxay Ku Xirantahay Hogaamiye karmeed Siyaasina Ah" PDF Print E-mail
Tuesday, 15 July 2008

Canada(Ottawa): Kulan ay ku yeesheen biishaan 12keedi magaaladda Ottawa odayaal soomaaliyeed oo isugu jira siyaasiyiin hore "diplomaasiyiin, wasiiro,saraakiil ciidan, kuwo ganacsato ahaan jiray" iyo aqoonyahano iyagana soomaali ah kuna xeel dheer arimaha siyaasada dunida ee waqooyiga ameerika, ayaa ka shiray iney qiimeeyaan xaaladda dalka soomaaliya ka jirta iyo sida ugu dhaw ee looga samatabixin karo.

Shirkaas oo sanadkii mar ka dhaca Qaarada Ameerika meel ka mid ah, waxa shirka la soo hordhigay warbixin iyo daraasad dhab ah oo ka hadleysa xaaladda dalka oo ay soo aruuriyeen xoghaynta jamciyadaas, waxayna faafaahin gaar ah ka bixiyeen xaaladda ma-quuste C/yuusuf  "dawladda Kmg" iyo dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee maanta ka jira dalka, hadaba iyagoo mid waliba si gaar ah uga warbixiyey, waxay si qoto dheer u tilmaameen in kooxha dagaalamaya waxyaabaha ay la dhutinayaan ay ka mid tahay:

1- Haybadii hogaanka siyaasada iyo milatariga oo meesha ka maqan" Zero"

2- Shakhsiyaadka hadda dagaalka hogaaminaya oo aan lahayn qabuul, hawraarsan iyo sumcad.

3- Iyagoo dagaalada ku wada indha-adeeyg, faramarooqsi iyo damiinimo .

4- Iyagoo wada socda ayey haddana kala faqaan oo ujeedo kala gaar ah leeyihiin.

5- Tababar xumada haysa iyo fikir la'aanta qaarkeed xeelad dagaal dani kama hayso.

6- inta badan oo dagaalka ku jirta oo ku sarkhraansan aarsi ee aan mabda' ka ahayn xoreynta dalka.

7- Taageerayaashooda oo badeecada siyaasadeed ay gadayaan oo ah mid dhacday oo horay dadku ugu sumoobeen. 

8- kooxaha dagaalamaya oo aan lahayn baro hogaamin, mana oga iney u baahanyihiin

9- koox kastana shuura gaar ah ayey leedahay oo wixi aan iyaga ahayn waxay ku sheegaan shuuro shey'daan.

Warbixinta qodobadaas oo xoghaynta shirka soo koobtay waxay cabireen in qodobadaas kor ku xusan haddii halgan ama muqaawamo ku sifoobaan ay muddo gaaban ku dambeyn-doonaan wir-wir oo kale "Dhaan-dabagaalle" oo aakhirka isu badala kooxo koxo burcadnimo ku sameeya dhaca xoolaha shacabka , Sido kale waxay tilmaameen in halgan ama muqaawamo qabyaalad heensatay wey adagtahay iney guul haybsadaan.

Jamciyadaas oo dhexdooda isugu yeera magaca " B4" oo aan la garaneyn xiliga la aasaasay iyo xubnaha ay ka koobanyihiin oo aan weli shaaca laga qaadin, sida ay sheegaan waxay shirarkooda ku koobanyahay isla socodsiinta xaaladda dhabta ee dalka iyo faaqidaadooda,waxayna daboolka ka qaadeen oo baaristooda la gashay in wixi kacdoono ama halgan ee dalka ka sameysmay mudadii sagaashanaadkii illa maanta ay markoodi horeba ku dhasheen caadifad qabiil oo aan lahayn mashruuc hogaamin xukun qorsheeysan oo wax islaaxiya.

Mitaal ahaan Waxay tilmaameen in xarakadii islaamiga ee dalka soomaaliya dhawaan ka curatay madaxdii culimada hogaanka u haysey maxkamadihi ay u qaateen xafitka nasuusta qur'aanka oo kaliya inu kaga filanyahay in fatwada ay soo saaraan ku filantahay xukunka iyo hogaaminta dalka , balse wixii ay ahayd in dib loo dhigto ayey soo hormariyeen oo ay ka dhigeen muhimada koowaad, taasna waxay khilaafsantahay fiqiga shareecada oo tilmaameysa in wixi dhib caam ah keenaya oo aan loo bisleyn dib loo dhigan karo illa waqti, farsamadaasna waxa ugu wacneyd aqoonti wax hogaamineysey oo ku itaal-darneyd waayo aragnimada siyaasada guud, iyo kala hormarinta talaabooyinka la qaadayo, badankoodna raga shuurada waligood ma ay arkin meel maamul lagu hayo oo waxay u qaateen in xukunka iyo dawladnimada ay tahay magaca shuurada oo la qaato keliya.

Jamciyadu ma inkirin maxkamadaha iney lix bilood amaanka sugeen, laakiin su'aasha ayey ahayd in la is-weydiiyo maxa daba socday oo qorsho ah deganaashahaas la helay oo natiijadi noqotay ? waxay noqotay in islaamka laga qaato fikrad lagu tilmaamo in hawshoodaba ay tahay shaneemooyinka la xiro, la xiro meelaha cajaladaha lagu iibsho, iyo dadkii oo khiyaarkoodi loo diidi iyo dhismihii shuurada oo sidii xisbiga shuuciga koox kaliya ku kaliyeysatay iyo iyagoo iclaamiyey jihaad guud oo islaamku ku qaado gaalada.

Waxay ahayd kuna habooneyd in ma daama dalka u ku jiray 20 sano bur bur iyo halaag jahayntu ay ahaato dhinaca wax ka qabashada gocoshada dadweynaha ee la xariira adeega guud. 

Caadatan dadka soomaalida dhaqan ahaan waa wada islaam waana ku adagyihiin diintooda, laakiin haddi lagu caburiyo nidaamka islaamiga wey u badantahay iney ka horyimaadaan oo ku yirahdaan diinta qalad baad ka fahamtay, sidaa awgeed diinta haddi la dabaqayo wa in kow marka hore kalsooni la muujiya oo la abuuro jawi xuriyad ay dadku wax ku doortaan oo dariqa ay rabaan ay xukunka marsadaan.

Warbixintaas waxay kalo ku xuseen in Jaamacada Al- Azhar ee Qaahira, saameeynti ay ku lahayd amuuraha tubta toosinta islaamka iyo wacyi galintooda ay kaalintoodi gabeen, taaso keentay iney soo baxaan firqado kala duwan oo dunidi Muslinka hagardaamiyey oo maanta aan la garaneyn ciida saxa ah iyo kuwa qaldan, waxaana shakiga weyn keenay markii la arkay nin muslim sheeganaya oo nin muslin ah masjid dhexdiisa ku gawracaya oo la leeyahay waa gaal.

Gabagabadii warbixinta oo iyagana ay kaga hadleen xaaladda dawladda Cabdullaahi yuusuf todobaadyada dambe ayaan idin soo gudbindoona ee kala socda Galdogob Times.

                                                          Galdogob Times News Desk

 

Comments (0)add comment

Write comment
You must be logged in to a comment. Please register if you do not have an account yet.

busy
 
webhosting