PDF Print E-mail

Wefdi ka socda Culumada Islaamka ee dalalka dibada soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay dhexdheexadin doonaan dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Dowladda.

Xubnaha wefdigan ayaa ka kooban ilaa 6 sida ay noo xajiijiyen Culumaa`udiin ka tirsan hay’add Culumo Soomaaliyeed oo dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho,waxaana diyaarada waday Culumadan ay ka soo degtay shalay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport.

Kulankan oo ka dhacay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho ayay Labadan dhinac kaga wada hadleen xaalada dalka iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa howlaha musaalaxada, iyadoona Wafdigan ka socda Culimada Islaamka ay ka wakiil yihiin Gudoomiyaha Midowga Culimada Islaamka Caalamka Sheekh Yuusuf Al-qardaawi.

Wafdigan oo ka kooban 6-xubnood ayaa waxaa horkacayay Sheekh C/raxmaan Al-nuceymi, waxaana qeyb ka ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka Kuwiet, iyagoona guda geli doona la kulanka Kooxaha Muqaawamada ee is khilaafsan.

Sikastaba ha haatee Wafdigani ka socda culumada Caalamka islaamka ayaa waxaa ay yihiin kuwa uu horay u shaaciyay Shiikh Qardaawi in uu dalka Soomaaliya u soo dirayo si ay u dhex dhexaadiyaan Soomaalida,waxana wafdigani uu yahay kii ugu horeeyay ee ka socda Wadamada islaamka gaar ahaan culimada islaamka ee soo gaara dalka Soomaaliya tan iyo markii uu isbadalka ka dhashay dalka Soomaaliya.

Waxaa la saadaalin karin sida ay ugu suurto gali karto dhex dhexaadinta ay wadaan culimadaasi maadama dhinacayo badan oo ka mid ah xoogaga ka dagaalama Somaliya ay u dhexeeyaan qilaafaad baahsan.

Wafdigani ayaa waxaa uu yahay kii ugu horeeyay ee ka socda Wadamada islaamka gaar ahaan culimada islaamka ee soo gaara dalka Soomaaliya tan iyo markii uu isbadalka ka dhashay dalka Soomaaliya.

 

Comments (0)add comment

Write comment
You must be logged in to a comment. Please register if you do not have an account yet.

busy
 
webhosting